Qarax khasaaro geystay oo Ciidamada AMISOM lagula eegtay Gobolka Sh.Hoose

0
Sunday January 01, 2017 - 11:31:34 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 577
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax khasaaro geystay oo Ciidamada AMISOM lagula eegtay Gobolka Sh.Hoose

    Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax khasaaro geystay oo Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM lagula eegtay Duleedka Degaanka Leego ee Gobolka Sh.Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax khasaaro geystay oo Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM lagula eegtay Duleedka Degaanka Leego ee Gobolka Sh.Hoose.




Qaraxan ayaa lagu beegsaday Kolonyada Ciidamada AMISOM oo ku wajahneyd sida la sheegay Garoonka Diyaaradaha ee Degaanka Balidoogle.

Kolonyadan ayaa markii hore ka ambabaxday Magaalada Muqdisho, waxaana saanad militari ay gaarsiisay Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee qeybta ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Dadka Degaanka qaarkood oo la hadlay BANA ayaa sheegay in Qaraxa uu ahaa miino dhulka lagu aasay, islamarkaana uu khasaro burburleh ka soo gaaray Kolonyada AMISOM.

Dhinaca kale, Xarakada Al Shabaab oo dhabarka u ritay mas’uuliyada Qaraxaasi ayaa waxey sheegeen in Qarax ay ku Dileen ugu yaraan 3 Askari oo ka mid ahaa Ciidamada Nabad Ilaalada ee AMISOM.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Taliska AMISOM oo ku aadan warkan ka soo yeeray Al Shabaab.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc