Inta Daawatay: 195
  Sunday December 03, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Xafaladdan ayaa ka soo qayb galay bulshada Soomaaliyeed qaybaheega kala duduwan ee ku nool dalka Switzerland, taasoo lagu soo bandhigayay buug cusub Af Soomaali ah ee uu qoray qoraa da' yar, kaasoo lagu magacaabo Bashiir Maxamed oo islamarkaana ku nool dalka Taliyaaniga.

Kulankan bandhigga buuggan Afka Soomaaliga ayaa ugu horayntii waxaa lagu furay aayaadka Quraanka Kariimka qawlkii Eebbe ee uu halkaa ka aqriyay Macalin Nuur, waxaana xigay in horay loo gudagalo ka taarikhaynta Afka Soomaaliga iyo qoraalkiisi hawlihii laga soo maray.
Axmed Yaasiin oo xiriirinayay ayaa dabadeed waxaa uu maykarafoonku uu ku soo dhoweeyay madaxa guud ee saxaafadda Koonfurta Soomaaliya Dr C/LLaahi Ibraahin Amaandhoorey oo in badan aad ugu dheeraaday ka taarikhaynta luuqadda iyo farta Afka Soomaaliga iyo waliba dhaqamada kala gedisan bulshada caalamku, gaar ahaan midda Afrika, isagoona carabka ku adkeeyay in farta Soomaaliga ee la qoray 1972-kii aysan ku iman si sahal ah, balse juhdi iyo waqti badano dheer la geliyay.


Abwaan Galeyr oo ka mid ahaa shaqsiyaadkii ka hadlay masraxa ayaa isna si qotodheer leh u sharaxay bal qofka loogu yeeri karayo abwaan.
Abwaanku waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in meelaha mararka qaar uu ka maqlayo, qof Afka Maxagi kaliya garanayo oo loogu yeerayo "Aabbaha Afka Soomaaliga," laakiin, taasi waxaa uu abwaan Galayr uu ku tilmaamay inay tahay mid been ah, looguna yeeri karin qof aan kaamil u garanayn luuqadda dalka qaybaheeda kala geddisan Aabbaha Afka Soomaaliga, balse uun loogu yeeri karayo 'Aabbaha Afka Soomaaliga' inuu yahay ruuxa si buuxda u garanaya una fahmi karayo, afafka, ama, lahjadaha waddanka looga hadlo, sida Maayga iyo Maxaga."


Isagoo sii hadlayay Abwaan Galayr, waxaa intuu mikarafoonku u furnaa tusaale u soo qaatay, Soomaaliyo looga hadlo Maay iyo Maxa abwaanka abwaan buuxa loogu yeeri karayo inuu noqonayo, sida:- Allaha u naxariistee Abwaan Sahal Macalin Ciise ee uu ku sheegay inuu sida biyaha oo kale uu u kala shubayay afka ama afafka dalka Maayga iyo Maxagu, taasoo murtida, ama, nuxurka laga dheehan karayay hadalka abwaanku kuu bidhaaminayo inuu noqonayo sida:-fanaanka kaamilki, macalinka buuxa, qoraaga dhamayska tiran, ama, borofaysarka, ama, xitaa madaxweynaha wada qancin kara bulshada Soomaaliyeed in qalinka loogu saxiixi karo qofka ku hadli kara qorina kara si buuxda Maayga iyo Maxaga inta kalana ay noqonayaan kuwo aan dhamays ahaan sheegashada darajadooda Afka hooyo Soomaaligi.


Sido kale waxaa madasha la isku arkay ka hadlay qoraa buug Af-Soomaali-Maxagi lagu magacaabo Maxamuud Garyare iyo Xaawa Nuur Muudday oo ku hadlaysay magaca gudoonka jaaliyadda Soomaalida gobolka Zurich.


Dhexda haddaan ka dhignina qoraaga buuggan hadalkiisi sharaxaadda buugga goortuu soo afmeeray, waxaa la waydiiyay su'aalo aad u culculus ooy waydiinayeen dadweynihii halkaasi ka soo qayb galay oo waydiimaha qaar buuq xooggani uu ka dhashay, waxaana la arkayay warbaahinta ku bohowday team culus ee uu hoggaaminayo Madaxa guud Dr Amaandhoorey oo ay waydiinayeen qoraagu su'aalo raaxada laga fogeeyay, su'aalahaaso aad u taabanayay lafaha afka Soomaaliga Maayga iyo Maxaga.


Wariyaha jugta culus suxufiga lugeeya Ustad Adam Increase ayay indhuhu qabanayeen isagoo su'aal arxandara uu masraxa hortrii qoraagu ku waydiinayay, waydiimahaaso aad u gilgilay qalbiyadii xaadirka ahaa ee fadhiga bandhigga buugga loogu wanqalay magac ahaan Hilaadin oo la maca ah odorosid ama saadaalin isla Af-Soomaali-Maxagi
Suxufigu waxaa uu sheegay in siduuba horeaan u yiri abwaan Galayr qofka Maayga iyo Maxaga aan wada aqoon Af-Soomaalile buuxa uusan sheegan karin, Adam Increase wuxuu yiri "Qoraa, annago tixraacayna hadalada aqoonyahanadu badi ay sheegaan, haatan waxaad qortay buug Far-Soomaali-Maxa ahi, adigu farta-Soomaali-Maayga ma qori kadhaa?, haddii aadan qori karin kuna hadli karin Farta- iyo-Af-Soomaali-Maayga ee kaliya aad qori kadhid ta Maxagi, ma oran karaynaa qoraanimadaadu inay nus tahay ee aanay dhamaystirnayn?, su,aashaaso ruxday qoraagu indha tooxtooxan ka keentsy casaani wehliyaan.
Waxaa geesta kale xusid mudan gabangabadii in aqoonyahan ka mid ah aqoonyahanadii goobta soo xaadiray caana ka ah dalka Switzerland, gaar ahaan gobolka Zurich uu soo istaagay masraxa isku dayayna inuu naqdiyo su'aal ka mid ah waydiimihii halkaa la iska warsaday ee qaasatan quseeyay Maayga iyo Maxagi, kaaso isku dayay inuu Afka Maayga uu yareeyo kana soo qaado lahjad iska yar oon mudnayn in masraxyada iyo goobaha dadweynaha si diblomaasi ah loogu isticmaalo, taaso uu si aad ah madashii uga hor yimaaday halyeeyga aan marnaba xaqa ka gamban Proff C/LLaahi Ibraahin Xasan Amaandhoorey.
Dr Amaandhoorey wuxuu si cad uga hor yimid aqoonyahankii hadlayay ee Afka-Maayga-Soomaaligi wax qosol qosol oo kale ah ka dhigayay, isagoona aakhirkii Datoorku halkiisii ku shibbiyay borofaysarkii ku xadgudbayay Afka ummad dhami ay iska leedahay ee dagta geeska Afrika.
Datoorku wuxuu yiri, Xaanshi, Xaanshi jooji, jooji, warkaasi war lagu kaftamo ma aha, mana aha cayaar cayaar, Afkan waa Af bulsho dhan ku hadasha ee geeska Afrika degta," goortaaso la dhuganayay aqoonyahankii ku talaxtagey lamataabtaanka naftaba la duldhigo Maayow-Maayga-Soomaaligi oo si degdeg ah u hakiyay hadalkiisi ku aaddaanaa luuqadda Maayga iyo farteediba mowjaddana u baddalay dhan kale.
Xafladdan taariikhaha asalka ah aqoonyahanadu ay jeedinayeen habeenkii xalay ahaa lagu soo bandhigay buuggan cusub Hillaadin Afka-Soomaali-Maxagi intii ay socotay, waxaa la arkayay martisharaftii ka soo qayb gashay oo aad u dhuuxayay una macaansanayay hadalada mutacalimiintii ka hadlaysay halkaasi ay balbalaarinayeen, iyado la arkayay jawi ka duwan jawigii Soomaalida lagu yiqiin ee ahaa in kolka meelahan oo kale la isugu yimaado aanay si wanaagsan isu dhagaysan Soomaalidu sinjiga ab sowrac magac iyo diinba ka siman.
Ugu dambayntii xafladdii taariikhiga ahayd habeenkii tagey xalay ka dhacday magaalada Zurich xarunta ganacsiga dalka Switzerland laguna soo bandhigiyay buugga Hillaadin, waxay ku soo afjarantay jawi aad u heer sareeya walow Warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya ay si wayn ugu xaadir ahayd, haddana, aan lagu arag buug Far-Soomaali-Maay ah xataa mid qur ahna.
Qof cirka looga imaanaayo ceelna ma qrasho sida la og yahayna laakiin !!

By: Ustad Adam


COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.