Inta Daawatay: 123
  Wednesday November 22, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Dadku iskuma jiraan sida taariikhdu diillinteedu guushu tilmaanta ay hoosta ka xariiqdo waayaheedan dunidan shaqsiyaadka lagu tilmaamo inay guulaysteen taasoo tusisa aadmiga wacyiga iyo wacdaraha kala duduwan ku soo mara nolosha adduunyadu maray turaanturiso iyo kol ay gabiga ka saari waydaba ee uu iska giijiyo xadaaxadkeeda hingada iyo xuqda reeba, misna aad ku kala barato shaqsiga geesiga ah ruuxa uu yahay sida aad kaga bogan doontaan qormadeenan gaaban oo sida runta ah idin taariikh cibar bari doonta baritaageeriddeedan halyeeyada aan qarsoonayn la isku dayay in nolosha lagu duugo, balse amar Alle la loodin waayayo nacabku dantu aqbalsiisay inay nacam yiraahdaan guulahoodan libdhan waayay sida laambadda ifka wayn ee xuduudeed ilayskoogu baxayo

Madaxa Guud ee Saxaafadda Koonfurta Soomaaliya siyaasiga rugcaddaaga ah halyeeyga aragtida dheer felesoofka lagu faano aabbaha kaydka suugaanta Maayga Soomaaliyeed haldoorka lugta furanDr C/LLaahi Xasan Ibraahin Amaandhooreyoo aad mooddo inuu kaba dheereeyo dayuuradda duusha kolka loo eego socodkiisa u adeegga bulshadiisi Soomaaliyeed, gaar ahaan midda Koonfurta ee uu isagu ka dhashay afridka iyo dambarkuna ka nuugay, tiim culus ee uu hoggaaminayo ayna ku jiraan caruurtiisa qaar ka mid ah ayaa waxaa uu dalka Taliyaaniga ee qaaradda Yurub uu ku soo dhoweeyay Abwaan aan qiimihiisu la dhayalsan, abwaan dhallinyaro ah ummaddan dulman wax badan taray, Abwaan afkiisu xaqa aan ka gamban inuu bulshadiisi garta looga eexday ku daafaco, Abwaan yoolka dhiga kubadda yacda kolka yeydu sabadku yuururto,Abwaan AxmedMacalinIbraahin(Abwaan Saraq)oo wuxu galo iyo wixii uu gudo horaan ay u arkeen shacbigu taariikhduna inbadan daraanteeda wareegta wixii noolba buunka haddaan la yeerin ay tin guntideeda la furay falaxfalaxdeeda biyuhu gaareen dhibicdii ka hoortay maalin cad dhulko ommosa bartay ku dhacday uunku wada arkayaan oo kale u rajana galisa falgalkeedu si aan ku lifaaqnayn widhwidhku umamkii quursaday sermawayn loo baahdiyo sagalku raacay sagaalaad biyuhu shubaayaan.
Sidaan wada ogsoonahay suxufiga astaanta u ah Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan Koonfurta wayn, Dr Amaandhoorey oo aqoonyahanada iyo dadka waxgalka ah daafaha dunida meel walbooy ka kala joogaan isku daya inuu xiriiriyo, amaba, uu fadhigooda ugu tago in badana waqti iyo qarash ku baxsha inuu taariikh ka reebo dadkan loo diiday masraxyada furan, lagana xirmaaniyay saqaafada si ay u horumaraan, dadaalkiisi ka dabaaqtanka ulusada bal mar uun inay talaabsadaan, ayaa dhowaan dhambaal u soo dhacay dabadeed, waxaa uu si degdeg ah uu ugu dhoofay dalka Taliyaaniga, dhambaalkaaso ahaa in muhandiska aan sahlayn Abwaan Axmed Macalin Ibraahin Abwaan Saraq uu soo garay dalkaasi, kaasoona xaqiiqdii farxad gelisay dhamaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan inta fahmi kadha macna wayna uu fadhida luuqadda ama lahjadda Afka Soomaaliga Maayga.
Salaan kadib, Abwaan Saraq iyo Datoorku waxaa dhex maray sheekooyiin waayo waayo xusuusahoodu ay dhaadheer yihiin, iyadoona goobta lagu falanqeeyay suugaanta Abwaanka oo sida dadku ayba horay u arkeen, amaba u maqleen, ay tahay, midaan qof kasta fahmi karin aawada miraha uu u adeegsado iyo waliba sarbeebaha lakablakabka ah isasaaran ee aanay u nuglayn gabowdhacooda ruuxaan loo walaaqin inuu fahmo sirteeda suugaantu.
Abwaan Axmed Macalin Abwaan Saraq ayaa sidiisaba waxaa uu curiyaa suugaanta ugu adag Af-Soomaaliga-Maayga, waxaana uu fasiraa suugaanta qaangaadhka ah qaybaheeda kala duduwan ee luuqaddan, taana waa hibo Eebbe u siiyay mu'alifkan kabiirka ah, waana ta keentay in madaxa guud ee saxaafadda dalwaynaha Koonfurta Soomaaliya waqtigiisi uu ku baxsho bal inuu isha ka soo qaado abwaankan mucjisida ah ee u soo baxay una dhashay ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka laaxiqa lalabka loodloodsama loodinta lowlowga looyaamiska iyo laqanyadaba ka dhawra afkan hodanka ah mushtamaca ku hadla misna murankiisu batay marinadu u joogaan maxa muxugu.
Taariikh aan sidaa loogu sii foogaan innako ku afmacaanaysanayna si shakiga qaar waxmatariyaal afkunoolayaali gidaarada war wadkii galay la fadhfadhiya wadanoolayaashu loo baro muuq iyo maqalba, Abwaan Saraq wuxuu ahaa muwaadinka isago jooga dalkii warkiiba daa, dal aan dalkiisi ahayn Afrikaan ah xukun adag ka jira Itoobiya oo waliba lagu taageerayay in badan waxa loogu yeero Jubbaland, balse Reer-Koonfurka dhulka iska lihi u yaqaanaan Boobland, dharaarcad dharkii quruxda badnaa calanka loo dhinto Koonfureed6 xidigna tiriya dhexda kaga yaal intuu soo xidhay afcad kaga dhawaaqayo ahaa, Kismaanyo, Gedo Bu'aale, Bakool, Bay, Afgooye iyo jiiddaa Arbaca-Rukun geyigaasi inuu yahay dhaxalkii awoowihii una dhimanayo haddaan dhoocilna harin, waydo haaddu dhul ay ku dagato mooyaane maydkoodu caddadda dhaafay sidii beer aarana balkeedi la shafay.
Guntii iyo gabangabadii kulankii wufuudda uu hogaaminayay Dr Amaandhoorey iyo Abwaan Saraq ee ku dhex maray dalka Taliyaaniga ayaa ku soo dhamaaday jawi aad u sareeya, iyado wajiyada walaalaha kulmay iyo haldoorada dalkuba ay ka muuqdeen farxad aan la soo koobi karin, taaso hubantidii aad u dheerigelinaysa dhamaan dadka waxgalka bulshada anfaca u leh ee miskexdoodu nimcadu huruddo lagu horumarin karayo bulshadan baaxadda leh, balse waayay wax garoorkaagu waa imisa yiraahda yacnii dhiirgeliya sida ay falaan reer Fili oo kale.

Qofkaago wayn haddaadan waynaysan se ogoow qofkoodo yarayo wayneeyeen ayuunbaa usha kuu qaban amar Alle laakiin !!

By: Ustad Adam





COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.