Inta Daawatay: 137
  Monday November 13, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Abwaanimada waa loo dhashaa ee iibsi lagu waa , Waa kuma Abwaan Balwadiid,Abwaanka magaciisa oo sedaxan waa Cabdi Calinuur Qaasim, Wuxuuna ku dhashey Baydhabo khaasatan tuulada Geeldheere oo ku dhow tuulada Ceeldoon .

Wuxuu kusoo barbaarey Gobolka Shabeelaha Hoose , halkaasoo uuw kusoo dhameystey heerkiisa waxbarasho Dugsiga Hoose Dhexe . Kadib wuxuu u wareegey Muqdisho halkaasoo mudo kooban ku noolaa . Kadibna Abwaan Balwadiid

ayaa go aansadey in uuw ku laabto Baydhabo si beerihiisa uu u qoto . In mudo ah beeraleey ayuu ahaa halkaasoo nolol maalmeedkiisa ku maareyn jirey . 1991 Dawladdii Dhexe markeey burburtey

ayuu tuuladii kasoo wareegey oo Baydhabo yimid . Maadaama uu ahaa Abwaan ayaa wuxuu goostey in uuw ku biiro kooxdii Fanka ee markaas Baydhabo ka jirtey ee la oran jirey Kooxda Falaargudoomiyena ka ahaa Xasan cabdiraxman Adan oo loo yaqaaney Xasan Webiyow .


Awaanka oo is dareemey inuu Abwaan Yahay caruurnimadiisa xiliyadii uu dhigan jirey Dugsiga Hoose Dhexe ayaa fursad u heley in uu alifo Ruwaayado badan ,heeso iyo gabayo .

Abwaan Balwadiid oo ah' Abwaan Soomaaliyeey oo wax ku alifa Afka Maayga iyo Afka Maxaaga ayaa curiyey heeso jacayl ah iyo heeso wadani ah haba u badnaadeene kuwa wadaniga . Gabayadiisa iyo heesihii uu tiriyey waxaad ka heli kartaan Warbaahinta Soomaliyeed gaar ahaan warbaahinta Koonfur Galbeed , In kastoo ay dhici karto heeso badan ama gabayo in ay lumeen maadaama aan loo helin dad keydiya .

Wareysi uu siiyey Abwaan Balwadiid Wariye ka tirsan wariyaasha ugu firfircoon warbaahinta Koonfur Galbeed oo magaciisa la yiraahdo Cabdinasir Musharaf hoos si live ah uga fiirso

BAIDOANEWS AMAANDHOOREY

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.