Inta Daawatay: 95
  Friday November 10, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Sahal Macalin Ciise wuxuu ku dhashay kuna barbaaray magaalada Baydhabo gaar ahaan xaaafada Berdaale laanteeda 4aad sanadka markuu ahaa 1948.

Dugsiga hoose iyo dhexe wuxuu kakala dhigtey ,Baidoa Elementary Schooliyo Collogio Baidoa oo ku yaala magaaladaBaydhabo. Dugsigiisa sare wuxuu ku dhamaystay

dusigii la dhihi jiray Raage Ugaas eek u yaaleymagaaladaMogadishu.Allaha u naxariistee Sahalwuxuu ka mid ahaa dhalinyaradii ugu horeysay
ee lagu magacaabi jiray National Services.Abwaanka inta uu ku jiray wuxuu aad isugumashquulin jiray wax curinta ama alifaada
asagoo si aad ah uga heli jiray Goboytidii reerBaydhabo oo kontomaadkii ilaa lixdamaadkiiBaydhabo caan ku ahaayeen ,kuwaasoo galab
kasta meel fagaara ah inay isugu yimaadaangabayo dadka lagu amaanayo halkaas ku tiringjireen . Sida la ogyahay sahal wax tirinta waxaa uu
bilaabay sanadkii 1963 laakiin xiligaas wixii uu
tiriyo wax lagama haayo , waayo waxay ubadnaayeen wax xafladaha iskuulka ku kooban,laakiin heestii ugu horreysay uu tiriyo oo leh
dhandhan hees waxay ahyd heestii SHALEEDAYASHIBLEY HAADE sanadkii 1967. Markaas wixii ka dambeeyey

abwaanka waxaa uu soo saaray heeso aad u farabadan ooMaay iyo Maxaa tiri isugu jiray.
Markii uu dhamaystay dugsiga sare waxaa uu kubiiray ciidamadii Nabadsugida qaranka soomaaliya ,
asagoo lagu qaatay derejada ah 2 xiddigle ilaa uuku gaaray Colonel buuxa.Sahal macalin ciise waxaa aad loogu xasuustaa
heesihii silsilada ahaa ee lagu magacaabi jirayHUBUROW ugu horeysay HAKABA BANAASHE uguna
DAMBEYSAY IRIDHIIMI . Heesaha Silsiladandadka ay aad ula xiriiriyeen inay yihiin heeso(anti-government) ah ayaa Abwaan Sahal

Macalin Ciise gaarsiiyey inuu wadanka isagacararo oo muddo uu ku noolaado wadanka(UAE)gaar ahaa Abuu –Dabay.
Wuxuu wadanka dib ugu soo laabtay 1987 isagoocafis ka helay dowladii kacaanka.Alla ha u naxariiste Abwaan sahal Macalin Ciise

wuxuu u lahaa hibo ,Ma ahyn qof iska raraadiy .Waxaad kaloo aad kugaran kartaa inay suugaantiisahibo ahyd erayada uu

adeegsanaayo sida uu u xusho ( diction of words) . Inta badan sugaantiisa waxay ku fadhida waxaloo yaqaaano Maldhahida (Metaphor) humaga
(Image) is barbardhigid (simile) iyo buunbuunita(exaggeration).Waxaan ku soo gabagabeynayaa :

GOOB WAANTY WAALY WIDAAD MY SEEDAWALEY DEY
WEYSAAYSYDEE MAA WAALAY MYDHEELA WALEY DEY


Alla ha u naxariistO oo Janadii Farowsa ahyd ka
waraabiyo anagana gadaashiisa nama fidneeyo
( aamiin-aamiin )

baidoanews amaandhoorey

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.