Inta Daawatay: 169
  Sunday October 29, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Halkaanka Akhriso Taarikhda Madoobe Nuunow Maxamed oo la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday weerarkii galabta lagu qaaday Hotelka Naasahablood 2 ee magaalada Muqdisho.

Magaca Madoobe Nuunow Maxamed wuxuu Ku dhashay Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay sanadku markuu ahaa 1948.

wax ifka ujoogey Allah u naxriistee marxuumka Xaas iyo Caruur wuxuuna waxbarashadiisa kusoo qaatay Dugsi Hoose – Dhexe – Sare degmada Dinsoor /Xamar Hawlwadaag iyo Xalane sanadadii u dhaxeeyey 1961/79, wuxuuna caso baxay, Machadka Culuunta,Siyaasadda Xalane (Political Seines) (DIPLOMA) 1979/1980.


Machadka Maamulka iyo Maareynta Somali Institute Of Development Administration And Management (SIDAM) DIPLOMA One Duration 1984

Seminaaro iyo Aqoonkororsiyo Sharciga, Maamulka, Siyaasadda, Bulshada iyo Tababaro Ciidanimo,Xafiiskii Xiriirka Dadweynaha iyo kii Siyaasadda ee Abuurista Kaaderiin xagga Siyaasadda iyo Maamulka ee xilligii 1970/1990kii.
Seminaaro:-Xiriirkii Guud ee Ururada Shaqaalaha Somaliyeed Xaruunta dhexe ee Muqdisho 1976/77
U Gogolxaariddii Aasaaska Xisbigii Hantiwadaagga 1976 iyo Anigoo ka mid ahaa Aasaasayaashii XHKS Shirweynihii Kulliyadda Jaalle Siyaad iyo Xubin Xisbiga ka mid ah.

Seminaaro:-Ururkii Dhallinyarada Xaruunta dhexe iyo Heer Degmo, gobolka 1972 ilaa 1974
Ka qaybgel shirar iyo seminaaro aqoonkororsi( ku saabsan hawlaha Dasaatiirta iyo Saxaafadda) kuwaasoo lagu kala qabtay Dalalka Shiinaha,Sudaan, Jarmalka. Kenya, Jabuuti, Sacuudi Carabiya iyo Gudaha Dalka 2007 ilaa 2010ka.

– Ka qaybgel Shirarkii Dibuheshiisiinta Somaliyeed ee waqtiyada kala duwan lagu kala qabtay Dalalka Ethiopia 1993, Djiouti 2000 Kenya 2003 ,Djibouti 2008/9 iyo kuwo dalka Gudihiisa lagu kala qabtay,

B) Waaya-aragnimada Shaqada

– Dhallinyaradii Horseedka SYL ee heer Degmo Diinsoor 1966/8

– Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Karaani ama Xoghayn Guddoomiyaha Degmada Diinsoor 1974ka
– Madaxa Xafiiskii Siyaasadda ee Degmada Diinsoor 1976 /78

– Guddoomiyaha Ururkii Dhallinyarada Kacaanka Soomaliyeed Degmada Diinsoor ,xubin Guddiga Dhallinyarada Gobolka Bay,

– Xoghayaha Warfaafinta Xiriirkii Ururada Shaqaalaha Guddigiisa Degmada Diinsoor,Xubin Guddiga Shaqaalaha Gobol Bay,

– Guddoomiyaha Guddiga Disibilinka Tababaradii Ciidameynta Shaqaalaha Dowladda iyo Ururadii Bulshada ee Xalligii Dowladdii Kacaanka,(oo loo yaqiinay Tababarka Maleeshiyaada)

– Madaxa Laanta Arrimaha Bulshada ee XHKS Degmada Diinsoor 1977/78
– Kaaliyaha Koowaad ee XHKS Degmada Sablaale Gobolka Shabeellada Hoose 1980/81dii.
– Kaaliyaha Koowaad ee XHKS Degmada Beled Xaawo 1981/83,
– Kaaliyaha Koowaad ee XHKS ee Degmada Diinsoor,
– Guddoomiyaha Golaha Shacbiga (Duqa) Magaalada Diinsoor 1985
– Hawlwadeen XHKS Xaruunta Dhexe ee Xamar,
– Xoghayaha XHKS ahna Guddoomiyaha Maamulka Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellada Dhexe 187- 90ka,
– Guddoomiyaha Guddi Samatabixin Degmada Diinsoor Xalligii Burburka billowday 1991- 92
– Guddigii Fulinta Ururkii Boonkaay 1993,
– Abuuris EGAT LNGO Noqdayna Guddoomiye NGO-ga 1994
– Asaasayaashii Shirarkii looga gogolxaaraayey Dowlad Gobleedkii May niin dan e iyo May niin Tala e oo lagu qabtay Baydhabo 1993/94
– Wasiir-Goboleedka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta Dowlad-goboleedkii lagu dhisay Baydhabo 1994ka
– Asaasayaashii Ururkii RRA 1995
– Guddiga Fulinta ahna Madaxa Hoggaanka Gaadiidka iyo Isgarsiinta Ururka
– Xubin Baarlamaan iyo Guddiga Siyaasadda iyo Maamullada Baarlamaanka TNG Arta 2001
– Xubin Baarlamaan TFG Embgath i Kenya 2004ka
– Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Batroolka Dowladda TFG,2004
– Wasiirka Wasaaaradda Warfaafinta Dowladda TFG 2007
– Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga (Magacaabid) 2008ka,
– Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Dowladda TFG 2009 ilaa 2010ka.
– Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka ee Baarlamaanka 2011
– Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka KMG Somaliya 4/01/2012
– Lataliyaha Arrimaha Siyaasadda ee Baarlamaanka Federaalka 2013/4

– Guddi Farsamo iyo (Steering Committee) Dhismaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya 2012 ilaa 2014.
– wuxuu noqdey Madaxweynihii Mamaulka Koonfurgalbeed soomaaliya ee maamulkii 6da gobol ee lagu bedel kan hada jira ee 3da ah 3dii marso 2014 tii, kaasoo lagu ansaxiyey codad gaarayey 44 cod ayadoo ergadii wax dooraneyneyseyna ahaayeen tiradooda 73 xubnood.

wade halal iso is afgarad Cadib wuxuu usoo wareegey oo kubiirey maamulka hada jira ee 3da ah waxaana laga dhigey wasiirka xanaanada xoolaha ee maaulka Koonfurgeed ee uu madaxda ka yahay iminka Shariif Xasan sheekh Aadan,


BAAQYADII DADKIISA LASOO WADAAGI JIREY QAARKOOD OO AAN KASOO SAARNEY KEYDKA WARBAAHINTA

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.