Inta Daawatay: 29
  Thursday October 12, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Kulanka 13-aad ee Guddiyada joogtada ah ee Golaha shacabka oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacabka ,waxaana ugu horeyn warbixin laga dhageystay guddoomiyeyaasha guddiyada, iyadoo guddiga horumarinta adeegga bulshada uu faah faahin ka bixiyay hindise sharciyeedyadda waxbarashada iyo caafimaadka. sidoo kale guddiyada garsoorka Awqaafta iyo arrimaha diinta iyo sidoo kale warfaafina iyo isgaarsiinta ayaa laga dhageystay hindise sharciyeedyadda la dagaalanka musuq maasuqa iyo Saxaafadda. kulanka gudiyada joogtada ah ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay howlaha golaha horyaala iyo sidoo kale xilliga ugu habboon ee qorshe howleedka guddiyada la horgeynayo kulanka guud ee golaha shacabka sida uu warbaahinta qaranka u sheegay C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo ah xoghayaha guud ee golaha shacabka.
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.