Inta Daawatay: 53
  Thursday October 12, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Cirfiid ayaa is casilay, kadib kulankii maanta Golaha Wasiirada oo ay ku yeesheen Muqdisho, kaasi oo goor dhow soo gaba gaboobay. Gen. Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid) Taliyihii Ciidanka Xoogga dalka ayaa waxaa booskiisa loo magacaabay Gen. C/wali Jaamac Xuseen Gorod. Taliyaha cusub ee loo magacaabay xilka ayaa ahaa Col. Pilot ah, xilligii dowladdii Siyaad Barre, sidoo kale waxaa uu Wasiirka Dekedaha ka noqday dowladdii TNG-da ee uu hoggaaminayay C/qaasim Salaad Xasan. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. yariisow) ayaa warbaahinta u sheegay labadan masuul in ay isku casileen arrimo shaqsiyadeed.
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.