Inta Daawatay: 41
  Thursday October 12, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Wararka laga helayo Gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaal khasaaro geystay uu maanta ka dhacay deegaanka Abal oo hoostaga degmada Xudur ee xarunta Gobolkaasi Bakool. Waxaana dagalkan uu u dhexeeyay ciidamda Mamulka Koonfur Galbeed oo garab ka helaya Ciidanka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali “Abuu Mansuur” iyo dagaalyahannada Ururka Al Shabaab oo weerar ku qaaday deegaanka Abal ee Gobolka Bakool Ugu yaraan 2 Qof oo shacab ahaa ayaa ku geeriyooday dagaalkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen 4 kale, sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Waxaana uu sheegay in go’doon ay ku jiraan degmooyin iyo deegaanno ka tirsan Gobolkaasi Bakool, oo ay ku xoogan yihiin Al Shabaab Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Ururka Al Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi.
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.