Inta Daawatay: 39
  Thursday October 12, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Howlgal ay ka sameeyeen Duleedka Magaalada Muqdisho Ciidamada Xasilinta Caasimadda Muqdisho ayey ku soo qab qabteen Tiro dad ah iyo Gaari uu lahaa Alle ha u Naxariistee Cabdi Nuunow oo ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada ku soo doortay Degaanada Koonfur galbeed oo Habeen hore lagu dilay Tabeelaha Sheekh Ibraahim Ee Degmada Deyniile. Saraakiil ka tirsan Hay’adaha Ammaanka ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidanka Xasilinta Caasimadda ay qabteen Gaariga Marxuunka la dilay oo ahaa Spacio islamarkaana Habeen hore ay horay u wateen Dableydii Dishay Cabdi Nuunow oo sidoo kalena ahaa Guddoomiye Xero ay dagan yihiin Barakacayaal oo ku taalla Tabeelaha Sheekh Ibraahim. Laamaha Ammaanka weli ma sheegin in ay Gacanta ku dhigeen iyo in kale Dadkii ka dambeeyay Dilka Marxuunka lagu Magacaabi jiray Cabdi Nuunow oo lagu dilay Habeen hore Tabeelaha Sheekh Ibraahim Ee Duleedka Magaalada Muqdisho.
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.