Inta Daawatay: 34
  Thursday October 12, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka hadlay maalinta Qiimaha badan ee 12-ka October oo ku beegan xuska Maalinta Calanka Soomaaliya oo ay ka soo wareegatay 63 sano. Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu kaga hadlay maalinta qiimaha leh, isagoo xusay inay tahay maalin mudan xusuus iyo weyneyn. “Maanta oo ah 12 October, waxay ku asteeysan tahay maalintii ugu horreeysay ee Calankeenna Soomaaliyeed gayiga laga taagay, Sannadkii 1954tii. Waa maalin inaga mudan xusuus iyo weyneeyn sidaa darteed, waxaan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeynayaa maalintaan qiimaha innoo leh”ayuu yiri Madaxweynihii hore Xasan Sheekh. “Calanka, waxaa naftooda u soo huray halyeeyo Soomaaliyeed anagana waxaa ina laga baahan yahay inaan muhiimadiisa dhowrno islamarkaana ilaalino, kana shaqeeyno Qarannimada iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed” “EEBBE, waxaan ka baryayaa Soomaaliya oo mid ah, xasilloon, hiigsatana horumar baaxad weyn.” Madax badan Soomaali ah ayaa maanta Hambalyo u diray Shacabka Soomaaliyeed waxayna ugu hambalyeeyeen Xuska Maalinta Calanka Soomaaliya oo ku beegan maanta oo kale 12-October sanadkii 1954-dii.
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.