Inta Daawatay: 41
  Wednesday October 11, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Cusmaan Mahamud, oo 22 jir ah ayaa lagu xukumay Xabsi Daa’in kadib markii Dacwad ka dhan ah ay u fariisatay Maxkamadda ku taala Dalka Talyaaniga waxaana lagu soo oogay danbiyo kala Duwan. Maxkamadda ayaa muwaadinkaan Soomaaliyeed ku eedeysay in uu jirdil, kufsi iyo Dil u geystay dad Tahriibayaal ah oo doonaayay in ay gaaraan Qaaradda Yurub, iyaga ka imaaanaya Waqooyiga Qaaradda Africa waxaana la sheegay in uu la shaqeysan jiray Kooxo kale oo aan Soomaali aheyn. Cusmaan ayaa lagu helay dambi ah ay ka mid yihiin Dil afduub madax furasho iyo galmo oo lagula kacay haweenka Tahriibiyaasha ah, gaar ahaan kuwa Da’da yar. Dhageysiga Maxkamdda oo socday wax ka badan Shan Saacadood ayaa ugu danbeyntii waxaa lagu xukumay Xabsi madaxaa haku furto ah ama Xabsi Daa’in. Booliska Talyaaniga ayaa ninkaan ka qabtay Magaalada Milan kadib markii halkaas ay ku arkeen Dad Soomaali ah oo ka mid ahaa dadkii uu dhibaatada u geestay Xiligii ay safarka ku jireen kuwaas oo aqoonsaday Wijiyadooda.
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.