Inta Daawatay: 32
  Wednesday October 11, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Iyadoo dhawaan Maamulka Koonfur Galbeed uu ku dhawaaqay in shacabka ku nool deegaanada Maamulkaas aysan taageeri Karin go’aankii dowladda federaalka ee khilaafka Wadamada Khaliijka ayaa arrintaasi waxaa wax laga xumaado ku tilmaamay Siyaasiyiinta ka soo jeeda Maamulkaasi. Nuure Maxamed Xuseen oo ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa tallaabadaasi ku tilmamay mid lagu caburinayo Shacabka ku dhaqan deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya. Waxaana uu xusay in go’aankaasi uu ka dambeeyeyay, kadib markii qaar ka mid ah Shacabka Koonfur Galbeed ay taageereen go’aankii dowladda dhexe ay ka qaadatay khilaafka ka dhex jira dowladaha Khaliijka. Sidoo kale Siyaasi Nuure Maxamed Xuseen ayaa Nasiib darro ku tilmaamay in madaxda Maamulka Koonfur Galbeed ay amar ku bixiyaan in aan la tageeri karin dowladda dhexe ee federaalka oo ay iyagu maamul ahaan ka tirsanyihiin. Dowladda dhexe ayaa horay Khilaafka Wamada Khaliijka ka qaadatay go’aan dhex dhexaadnimo ah, halka Maamullada Koonfur Galbeed, Hirshabelle, iyo Galmudug ay dhinac mareen go’aankaasi, islamarkaana ay xiriirka ay u jareen dowladda Qatar.
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.