Inta Daawatay: 46
  Wednesday October 11, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya saddex dii maalin ee lasoo dhaafay waxaa kasocday aroos kii ugu dambeyay oo noociisa lagu arko Soomaaliya. Wararka laga helayo Gobolka Bakool ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya Qarax Miino lagula eegtay duleedka degmada Waajid ee Gobolkaasi Bakool. Waxaana qaraxa kadib halkaasi ka dhacay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab iyo ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM. Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in qarax xoogan lala eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada Itoobiya, xilli ay marayeen inta u dhexeysa deegaanka Buurdhuxulle iyo degmada Waajid ee Gobolkaasi Bakool. Dhinaca kale Xarakada Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxaasi ayaa waxaa ay barahooda Internetka ku shaaciyeen in askar ka tirsan ciidanka Itoobiya ay ku dileen weerarkaasi, inkastoo aysan shaacin tirada rasmiga ah ee ay dileen. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Itoobiya oo ku aadan qaraxaasi. Balse Al Shabaab ayaa inta badan weeraro jid gal ah ku qaada ciidamada AMISOM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan Gobollada Baay iyo Baakool.
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.