Inta Daawatay: 45
  Wednesday October 11, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Wararka inaga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug gaar ahaan xaafada Garsoor ayaa waxa ay sheegayaan in fiidnimadii caawa halkaasi ay ku geeryoodeen laba qof oo shacab ah, kadib markii ay la duntay Suuli. Dhacdadan ayaa timid kadib markii nin Injineer ah oo qiimeyn ku sameynayay goob dhismo lagu bilaabi rabay ay la duntay Suuli, kadib dadka qaar oo halkaasi ku sugnaa ayaa isku dayay in ay soo badbaadiyaan Injineerka, oo xitaa qaarkood iyaguna ay ku dhaceen godka. Inta la xaqiijiyay Injineerkii iyo nin kale ayaa ku geeryootay godka Suuliga ee la dumay, halka sidoo kale ay waxyeelo soo gaartay ilaa Afar qof, kuwaasi oo goobaha caafimaadka loola cararay, si halkaasi loogu dabiibo. Wariye ku sugan magaaladaasi ayaa soo sheegaya in Ciidamada ammaanka iyo masuuliyiin ka tirsan degmada ay soo gaareen goobta ay dhacdadan ka dhacday, halkaasi oo ay ka wadaan baaritaanada la xiriira sida ay wax u dhaceen.
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.