Inta Daawatay: 37
  Tuesday October 10, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Weerar lagu dhaawacay mid ka mid ah Ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka ku soo doortay Degmada Baydhabo oo Caawa lagu dhaawacay Duleedka Magaalada Muqdisho. Cabdi Nuunoow Aadan oo ka mid ah Ergada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dabley hubeysan waxey ku dhaawacmeen Xaafada Sarkuusta ee Duleedka Muqdisho. Goobjooge ayaa u sheegay Warbaahinta in Kooxo hubeysan ay rasaas ku fareen Cabdi Nuunoow Aaden xili uu ku sugnaa Duleedka Muqdisho . Waxaa uu sidoo kale sheegay in dableydii ka dambeysay falkaasi toogashada ahaa ay horey u qaateen gaari uu la haa dhibanaha. Wararka ayaa sheegaya in Kooxihii ka dambeeyay weerarkaasi ay isaga baxsadeen goobta. Dhaawaca Abdi Noonoow Aadan ayaa loo soo qaaday isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho, si halkaasi xaaladiisa caafimaad loogu dabiibo. Ilaa iyo hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarkaasi qorsheysnaa oo ka dhacay Duleedka Caasimada Soomaaliya wararka qaar ayaa sheegay in uu dhaawaci u geeriyooday .
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.