Inta Daawatay: 47
  Tuesday October 10, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab in dadka ay weerarada is qarxinta u adeegsadaan ay yihiin kuwo dhimirka ama maskaxda loogu jiro. Hadalkan ayuu Wasiirka ka jeediyay Munaasabad lagu xusayay Maalinta Dhimirka adduunka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho. "Al-Shabaab waxa falalka is qarxinta ama ismiidaaminta u adeegsadaan dadka madaxa loogu jiro ee dhimirka la, kuwaas ayay soo qaldaan oo ay ku soo qanciyaan inay is qarxiyaan"ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga. Wasiirka ayaa sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah loola dagamo Al-Shabaab, isla markaana laga hortago fikirka xagjirnimada ee dadka lagu marin habaabinayo. Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore soo bandhigay dadka weerarada is qarxinta fulinaya oo laga duubo muuqaalo dar daaran ah iyo hadafka ay isku qarxinayaan.
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.