Inta Daawatay: 38
  Tuesday October 10, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Taliska Booliska Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Siyaasiinta Mucaaradka ah iyo Saxaafadda ka shaqeysa Degaanada Maamulka Koonfur Galbeed ku amray in ay joojiyaan Wararka wax u dhimaya Maamulka Koonfur Galbeed. Taliyaha Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed Mahad C/raxmaan Aadan oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in Ciddii Maamulka ka faafisa Warar lagu dhaliilayo Koonfur Galbeed ay xabsiga dhigi doonaan islamarkaana aysan Cidna uga Cabsan doonin. Koonfur Galbeed ayaa Mudooyinkii dambe wajaheysay Shirar lagu Mucaaradayo oo la sheegay in looga hadlayo Mustaqbalka Degaanada Koonfur Galbeed,meeshana looga saarayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif xasan Sheekh Aadan.
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.