Inta Daawatay: 23
  Tuesday October 10, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Shalay gelinkii dambe Rag ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday Gaari ay la socdeen Odayaal marayay degaanka Xaawo Cabdi ee Gobolka Shabeellaha hoose.




Weerarkaas waxaa ku dhintay 2; Oday dhaqameen iyo Askari,waxaana ku dhaawacmay Askari kale,iyada oo Ciidamada Al-shabaab ay rasaas ku fureen Gaariga ay la socdeen Odayaasha.

Intaas kaddib Maamulka Degaanka Lafoole ayaa Tilifoon u diray Ciidamada Milatariga ee deggan Xerada Laanta Buuro,waxaana ay u sheegeen in Rag ka tirsan Al-shabaab oo Gaari wata ay dad ku laayeen Xaawo Cabdi islamarkaana waddadaas ku baxeen.

Ciidamada Laanta Buuro ayaa jidka iyana u galay kuwii Al-shabaab ee weerarka ka geystay Xaawo Cabdi,waxaana halkaas ku dhintay afar ka mid ah Al-shabaab oo Gaariga saarnaa.

Ciidamada dowladda ayaa la wareegay Gaariga ay wateen xubnaha ka tirsan Al-shabaab,waxaana tirada dhimashada ee shalay galab ku dhimatay labadaas dhacdo ay gaareysaa 7 Qof.

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose Cali Nuur Maxamed ayaa u sheegay Warbaahinta in Ciidamada dowladda ay ku howllanyihiin xaqiijinta amniga Gobolka Shabeellaha hoose inkasta oo dhacdooyinka ka dhanka ah amniga ay ka dhacaan Gobolka.

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.