Inta Daawatay: 84
  Thursday September 21, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Wafdi u hogaaminayo Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa gaaray Magalaada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.


Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Ku soo dhaweyay Wasiirro .xildhibaanno ka tirsan Hirshabeelle,Maamulka Gobolka Hiiraan,Saraakiisha Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.

Wafdiga Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle,Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Booliska Somaliya jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax iyo Musharaxiintii la Tartantay qaarkood.

Maxamed Cabdi Waare ayaa hadda ku sugan Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan,halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Magaalada Baledweyne ee uu Maanta tagay MadaxweyneMaxamed Cabdi Waare waxaa Todobaadyo ka hor Qaar ka mida Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan ay uga dhawaaqeeyn Maamul ay ugu Magac dareen Hiiraan State,waxaana ka mida Arrimaha uu Madaxweynaha u tagay inuu Xaliyo Tabashada ay qabaan Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan.

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.