Inta Daawatay: 995
  Saturday September 16, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Waayahan ama indhawaale sida aynu wada ogsoonahay murano aad u xooggan ayaa ka dhex aloosnaa bulshadeena Geeska Afrika meel walbooy qoraxdu ugu soo bidho daafaha dunidu guuxyadaaso ku aaddan arrinta u dhiibista gacan ajnabi C/Kariin Qalbi-Dhagax oo ka mid ah saraakiisha jabhadda Xornimadoonka qabiilka Ogaadeen afka qalaad loo soo gaabiyo Ogaden National Liberation Frontline ONLF, taasoo ka dagaallanta dhulka Soomaali Galbeed oo haatan ka taliso dowlladda Itoobiya tiro badni 85 milyan dad ahaaneed kaalinta saddexaad kaga jirta qaaradda Madow ee Afrika.


Waxaan jecelahay awalan haddii Rabbulciza idmo dar Alle inaan kalimad afeefad ah qalindaarkayga ku darsado ka dabaaqtanka waydiinta maalinta dambe adduunyada dabadeed wax caddeyn u ah inaan sheegay joogadayda ifkan haatan inaanay sinaba ugu banaanayn qawaaniinta wadciga caalamiga iyo ka samaawiga shareecada Islaamka in qof muslim magan ah una magan ah muslim kale loo gacangeliyo colkii ooy is-hayaan ee uu ka soo libdhay itaal sheegasho kagadaal Gaal iyo Islaam toona.
Qalbi-Dhagaxo ku sii jeedamagaalada Gaalkacyogobolka Mudug bartamaha Soomaaliya bishii ina dhaaftay safarkiisi kolkuu jaanta dhigay magaaladuu u hodlamayay, duul dabasocday, waxaa hudheel uu ku dagay qaabqafaaleed uga soo qabtay ciidamada maamulka Galmudug oo imikadan ka arrimiya gobol iyo badh min Koonfurta Mudug ilaa soodinta gobolka Galguduud uu kala wadaago Hiiraan. Maleeshiyada maamulka Galmudug goortii ay qabteen C/Kariin waxaa ay islamarkii ay ka beecsadeen dowlladda Itoobiya si ay lacago culus ugu baddashaan, balse nasiibdaradoodu siday u arkaan ruuxa ka baaray iyo busaaradda haysatay cagsigeeda, waxaa loo sheegay inay caasimadda Soomaaliya geeyaan kuna wareejiyaan dowlladda Federaalka Soomaaliya ee uu garwadeenku ka yahay Maxamed C/LLaahi Farmaajo.
Galmudugxaajadeeda lacagdoonka ahi markii ay ku dhiiqootay wiishkuna geesta Itoobiya kaga yeeray, waxaa ay jirdil ugu ciilbixeen C/Kariin Qalbi-Dhagax oo ay intii ay jirdilayeen xitaa ay filin muuqaal ah ka soo duubeen isago xiran fanaanad guduudan iyo macawuus qoorsifays qali ah. Mar haddii iibintii ay gacantooda ku iibsan lahaayeen sarkaalkaONLFay shaqayn wayday, nimanku waa xariifeen, waa ay u murqaameen odaga iyo dowlladda, waxaana ay dhigeen shax aad u khatar ah, taasoo dad badano indheergaradka waawayn ee Soomaalida ka mid ahi xataa ay ku sidbadeen.
Galmudug bahda madaxweynenimada haysata maamulkaasi, bacdama dowlladda Federaalka ay ka rajaynayeen bilooyin kahor doorashadii Farmaajo in ay ayaku qaadaanayaanJAGADA RA'IISUL U WASAARENIMADAaanay u suuroobin, waxay go'aan ku gaareen in Qalbid-Dhagaxa Itoobiya ay ku amartay inay Muqdisho geeyaan kiiskiisa ay kaga faa'idaystaan suuragalnimada ah labo mide mid. Tusaale:- in Itoobiya marka koobaad taageero buuxda ay kaga helaan addeecidda amarkeeda, iyo inay Muqdisho goorta ay geeyaan Qalbi-Dhagax qaar ka mid ah saraakiisha Federaalka ay la kaashadaan Farmaajo iyo atbaacdiisoo qabardaar ah warba aan ka ahayn ruuxan laga dhiijiyay khasab lagaga dhoofiyo garoonka xarunta dalka deetana shacab iyo Farmaajo dowlladdiisa la iska horkeeno si markaasi madaxweynuhu uu u casilo wasiirka koobaad, kadibna casilaaddaasi Galmudugta sarkaalka ONLF gurigeeda ka soo qabatay lafahana ka garaacday riyadeedii ku taamaysay raysalwasaarenimadu kursigu u hesho, deetana, kolkay ku fariisato ay iska falaqsato sidii horaanba u caadada ahayd xoolaha dadow, sida:- beeraha gobolka SHabellaha-Hoose iyo guryaha Islaameed xoogga ay ku haystaan ee caasimadda iyo hareeraheeda ku yaalla, iyada oo borobagaando HAWIYIISAM AH ay isticmaalayso hab ugu dambayntiina meesha looga turaantureeyo madaxweynaha nafsadiisa waa Farmaajo é, laguna shaabbadeeyo kaarkii casaa 90-meeyadii inuu yahay DAAROOD FAQASH AH.
Sida runta ah, shaxdaasi qaybaheeda hore walaalaha Galmudug waa ay ku guulaysteen, oo Qalbi-Dhagax Muqdisho ayaa la geeyay si qarsoodi ah, iyadoon Madaxweÿne Maxamed C/LLaahi Farmaajo uusan ka warqabin ayaana C/Kariin safaaradda Itoobiya ee ku dhex taal xarunta madaxtooyada Villa SoomaaliyaBAASABOOR ITOOBIYAAN AHlooga soo sameeyay, si hadhow ciyaartu kolka ay fashilinto loo yiraahdoQALBI-DHAGAX HESHIIS AYUU LA GALAY DOWLLADIISI ITOOBIYA.
Qulub qulubta iyo qulubaageddigaasi intii ay socdeen, qaar ka mid ah xildhibaanada dowlladda Federaalka daacadda dalka iyo dadka u ah, gaar ahaan aqlabiyadoodu, kuwaAQALKA SAREayaa nuxnuxda iyo sheekadii ka war helay, waxaana ay orod xafiiskiisi ugu tageen madaxweyne Farmaajo, waxaana ay ku yiraahdeen "Mudane madaxweyne, maka warqabtaa in muwaaddin Soomaaliyeed ee ka tirsan ururka ONLF Gaalkacyo laga soo qabtay haatana Itoobiya khasab loogu wareejin rabo?"
Goortaasi xildhibaanadu sidaa ku leeyihiin madaxweynuhu, waa mar C/Kariin Qalbi-Dhagax gegida diyaaradaha Muqdisho intii la geeyay, khasab lagu saari waayay diyaaradda ee uu dagaallmayo dib loo soo celiyay aadna loo soo jilcinayo, waxaanu madaxweynaha ood mooddo inuu waagu ku barin rabo indhalabaqaaqa si kooban ugu jawaabay xildhibaanadii "Hawshaasi Raysal-Wasaaraha ayaa iska leh isaga kala xiriira."
Xildhibaanadii waa ay ka soo tageen xafiiska madaxweynaha, haddana waxaa ay orod ku yimaadeen xafiiskii ra'iisul u wasaaraha, waxaana ay waydiiyeen isla su'aashii ay soo waydiiyeen madaxwenaha dalka, wuxuuna Xasan Cali Khayre raysalwasaarihii ku jawaabay, 'inuu waydiinayo lana xiriirayo taliyaha sirdoonka Federaalka Soomaaliya Sanboloolshe.'
Sanbaloolshe kolkii Xasan Khayre uu waydiiyay jiritaanka shaqsigaasi qafaalan, waxaa uu ku jawaabay, inkastuu ka yara weecweecday, inay arrintaasi jirto, balse uu dabagal ku hayo warbixin buuxdana ka soo siin doono madaxda sarsare ee dowlladda.
Allaahu mustacaan, xaajadu kolka ay halkaa marayso, Qalbi-Dhagax markii labaad xoog ayaaba mid ka mid ah dayuuradaha qumaatiga u kaca helikobtarka loo yaqaan milatariga oo ay leedahay Itoobiya loogu qaaday magaalada Baydhabo oo haatan maamul ku meel gaar ah u ah dowlladda Koonfurta Soomaaliya, waxaana xubnihii madaxda daacadda isugu jiray xildhibaanada iyo wasiirada farakutiriska ahi, goortay ogaadeen in Qalbi-Dhagax si tuuganimo docda eeriboorka Muqdisho dayuurad Baydhabo u socotay lagu saaray ay tilifoon kula hadleen madaxweynaha Maamulka Koonfureed Shariif Xasan Shiikh Aadan oo xiligaasi ku sugnaa madaxtooyadiisi u dhow garoonka Baydhabo, wuxuuna kalkii la warsaday Qalbi-Dhagax arrintiisi ee uu ku soo warceliyayINUUSAN ARRINTA NINKAASI WAXBA AANU KA QABAN KARIN, halkaana tilifoonkii loo diray Shariif Xasan iyo sheekadiisiba halkaa ku soo afjarantay, kadibna masuuliyintii ay isku dhax waasheen.
Galmudug Jambalkii ay tuurtay xaqiiqdii neefta ayuu ku dhajiyay madaxda sarsare ee dowlladda federaalka Soomaaliya, labadaraale, Galmudug borobagaan xad-dhaaf ah ayay kaga furtay Farmaajo iyo xertiisi baraha bulshada, waxaana la arkayay culimo iyo caamo oo furka wada tuuranayaanooy oranayaan "FARMAAJO IYO KHAYRE WAA KHAA'INIIN DOWLLADDU HA DHACDO, inkastooy dadkii aragtida dheeraa shaxdan qaabka loo dhigay ay aad u fahamsanaayeenooy, balse u aamuseen Farmaajo iyo akaabiriintiisi bal sida ay isaga caabbiyaan mowjadaha ka dhashay jambalka Galmudug u dhigtay ooy kaga dan lahaayeen maal iyo mansab siyaasadeed iyo waliba in ay istusaanooy iska horkeenaan shacabka iyo Farmaajo iyo Itoobiya iyo Farmaajahaba.
Galmudug intii dabka ay holcisay aan la fahmin ee uu baxaayay, waxaa ay geesta kale shacabka Soomaaliyeed ay tusaysay sawir ah, inay iyadu waddani tahayo Farmaajo uu khaa'in yahay uuna Itoobiya u dhoofshay muwaaddin Soomaaliyeed, haddaba, haddii ay siday sheegatay sax tahay waddaniyaddeedu, maah maah raagtayo carbeed baa tiri "kulu fitno cinda geel, alfitnatun naa'imatun, maxay iyadu awalan C/Kariin Qalbi-Dhagax Gaalkacyo uga soo qabatay Itoobiyana uga beecsatay?," goormaase ONLF oo ay qabiil ahaan isu hayaan Galmudug ay walaaltinimo ugu diir naxday?
Waa su'aalaha darano miskexda daalinaya runtii, waa ay jiraan dhalliilo aan la inkiri karin daraafgareysano dowlli ah ooy Qalbi-Dhagax u soo jeedinayaan siyaasiyin Soomaaliyeed Madaxweynaha Dowlladd Deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar iyo kuwa Koonfurta Soomaaliya sida:- Afaraale oo ay ku eedaynayaan, in C/Kariin Qalbi-Dhagax ururkiisu, gaar ahaan ciidamo uu hoggaaminayo inay dad rayid ah aan waxba galabsan ku laayeen gudaha Soomaali Galbeed iyo gobolka Bakoolba, waana ay jiri karayaan dad badano kalo aamusan eedo kuwaa la midi ay hoosta ugu hayaan Qalbi-Dhagax, laakiin, taasi kuma filnaan karayso inay daboosho halka ay Galmudug dhigtay ninka Soomaaliga ah.
Ta kale Farmaajana, isaga iyo atbaacdiisu ka saari meyso ruuxa Itoobiya khasabka loogu masaafuriyay annigu annagu maan ogeyn, haddaadan, ama, haddaydnaan ogaan karin dalka waxa soo galayaa iyo waxa ka baxaaya, maxaad meesha u fadhidaa, ama, u fadhfadhidaan ood isaga tagtaanooy huleeshaan meesha, sow ma ogid bini aadam iskaba daayo, xitaa gudaha Soomaaliya faraskii qariib ah ee ku dhex kufa caawa ama maantoolay in maalinta aakhiro koow lagu waydiin doono Farmaajoow aynan kaa saarihayn annigu maan ogeyn.
Galmudug inay is ogtahay yaabka ugu daran yaabkii baa waxay tahay, in qoloadii mishinka Gaalkacyo ka soo maleegtay qoladeeda kale Muqdisho hawsha uga wakiilka ahayd arrintu markii ay fashilantay waji kale damceen inay shacbiga u tusaan inaanay eeddu ayagu lahayn dhabarkana u ridanayso xukuumadda Farmaajo, sidaa shuqulmooryaanimadaasi waxa samaynaya inta muuqata lambarka 1aad noqonayo Mahad Salaad, oo runtii sida la ogyahay qorshaha ay xukuumadda Farmaajo ku doodday ee ah, inuu heshiis hore jiray dowlladdan dowlladdii ka horeysay Xasan Maxamuud ay gashay sharciga caalamiga waa halkiye, in Itoobiya iyo Soomaaliya wixii khatar ku ah amnigooda ay iswaydaartaan, ruuxa JigJiga wasiirka Federaalka Itoobiya kula saxiixay xeerkaasi uu yahay isla asaga Mahad Salaad, oo xasaanad Wasiiru-Dowlanimo Federaal Soomaaliya xambaarsan, haatana uu kuu sheegayo, inuu beel ahaan heshiiskaasi ku soo galay ee aanu dowlladnimo ku soo gelin.
Haa, war ku anfaca, haddii wiilkaa Galmudug uu reernimo dowlladda Itoobiya heshiis kula soo galayo, haatan xildhibaanîmada intuu dhigo, Adisababa ha tago, albaabadii ad adkaa Itoobiya dowliga ah, intuu gargaraaco, wasiirada Federaalka Itoobiya heshiis ha la soo galo hadda haddii xaraf laga qorayo, amaba Itoobiya ay shaqsi shacab ah taqaan.
Halkaasi waxaad ka aragtay kana garatay, in wixii dhacaayay asbuucyadii ugu dambeeyay ee bulshada Soomaaliya lagu wareeriyay hooyo iyo aabbe intuba u yihiin qoladan Galmudug oo si kasta nolol afrid ku raadsata shakina aan ku jirin inay yihiin dadka beeciyay jirdilay dhoofshayna C/Kariin Qalbi-Dhagax sarkiilkii jabhadda ONLF ee Itoobiya loo dhoofshay.

Gool yaxaas ku qaadyaa iyo gaari kula gaddoomaaba Soomaaliyeed geeri maa dheer laakiin !!

By: Ustad Adam Increase

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.