Inta Daawatay: 1141
  Saturday August 19, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Haddaad magac iyo mansab ba aad dooneysid murankaagu badan yahay afka miic iic ka siineysid macaac sida ariga dabada feydan una meel dhigi karin marinka murtidiisi mahadhooyinka siyaasadda sida Borofiisar Dr Cali Baab oo kale masriixina aad taagan tahay maalin iyo habeenba ummad baan mitilayaa aad ku hadaaqayso aadaarka kaa baxayaa owlalkaagu duniduba la yaaban tahay darsaantu amakaagday marna sidii doofaar beer daaqay fig labadible daab lagugu garaacayo taakana aad ka tarin asaaggaaga una tarin dadkii aad ka beeran tahay, misna guuguulaha garoonka beenta ka gowgowliyo gafanka goobaha iyo gabadha guurguurta gaardis badanka ay garbahaagu u raran yihiin sida rubaaruq aan ra'iga reerkiisa waxba ku lahayn, haddaa boodaarintaadu iyo waxaad beeshaba u sheegeysid sow beentaa faashilan maha iyo dhalenteed aan dhaan sagaare waxba dhaamin.

Shiikh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) amiir kuxgeenkii hore ururka Al-Shabaabka ka dagaallama geeska Afrika markii heshiis kor ka soo dhamaaday uu la galay dowlladaha Koonfurta iyo Federaalka Soomaaliya diyaarad qaas ah uu kaga soo degay garoonka caalimiga Muqdishana soodhowayntiisa aan loogu kala harin dabadeedna intuu gaari cad nuuca madaxda muhiimka lagu qaado xabbadda aan karin ah kaga soo degay caasimadda meelaha ugu amniga badan islamarkaana shirjaraa'id oo kooban maqal iyo muuqaalba leh uu saxaafadda u qabtay, waxaa soo baxay arrintaasi dad ay aad u dhibtay meel wayna cuncunsiisayo xasaasiyad ku kacday.
Durbadiiba waxaa soo baxay dad badano hoos u xanuunsanaa jirooyin raagayna qabay ooy karka qabyaaladdu intay siyaado ugu badatay xaraaraddeeduna ay gaarsiisay inay adduun iyo aakhiraba ku wada seegan, kuwaaso islahaa in Shiikh Mukhtaar Roobow Cali kolka la qabto la dili doono ama ugu yaraan loola dhaqmi doono sidii hoggamaamiyihii dhan walba ka fashilanka ahaa ee isagoo baxsad ah gacanta lagu soo dhigay Aw Xasan Daahir Aweys, kaasoo goortii laga soo dajinayay garoonka Aadan Cadde isaga iyo atbaacdiisi odayaashii la socday badbaadiya islaahaa odagu dhamaantood qoobaha laga wada garaacay ilaa ay dhiig wada tufaanoy matagaan xabsina loo dhadhiciyay.
Nuucaasi kuwa loo galay kuwii daafacayay markay arkeen sida wanaagsan ee Shiikh Abuu Mansuur uu ugu raaxaysanayo Muqdisho bilaa cabsi, waxaa ay bilaabeen inay soo hunqaacaan dacartoodi in ka badan 60-ka sanadood ay waligoodba soo hunqaaci jireen goortii ay indhaha saaraan wiil reer Koonfuro guul ku talaabsanaya sida haatanba taagan oo aad adinkuba markhaatiga nool u tihiin.
Qolyahaasi waxay bilaabeen inay dacaayadeeyaan geesiga halyeeyga ah Allaha Dhawree Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur iyo beeshiisa, iyago oranaya EELAAYGA WAA IN LA DILAA MA XASAN DAAHIRU KA FIICAN YAHAY iyo ereyo la mid ah oo aanay marnaba u cuntami karin qof damqasho iyo damiir noolba leh joogadeenan dunidan sinaba.
Wararkaasi aadka u liita dowdardhaafka ah dalabtooduna badan tahay doolaaba gardarooyinka kolkii baraha bulshadu ku xidhiidho mareegaha xumawadayaashu ay qabsadeen, fookankuba waa hiillee, waxaa is hayn waayay oo jawaabo degdego kul kulul ka baxshay ninka ugu aftahansan siyaasiyinta Koonfureed caalamka maanta Borofiisar Cali Cabdi (Dr Cali Baab) kaaso warxumuhu markii uu soo baxay islamarkii sidii safar-lagama-soo-noqdaan ah qof u socda oo kale shandadihiisi intuu soo xidhxidhay xambaarsaday isku shubay mid ka mid ah idaacadaha la iska arko maqalka iyo muuqaalkaba leh badi Soomaalidu fiirsato Kalsantv studio-yihiisi ku yaal London UK.
Maah maah raagtay ee Carbeed sida ay horaanba ugu hadaaqday "Calaamatul madhar fi saxaab," dhaan biya keenaya duudkiisaad ka garataa, haddaba geesi ku difaacaya adartiisi warkiisa horaa ku deeqa. Dr Cali Baab wariyihii teleefiishanka warkiisi koobaad markuu yiri "Abuu Mansuuro isa soo dhiibay," mabuu ka suginba dhameystirka weedha, wuxuu ku ku shibbiyay "wariyaa, marka hore sax siiqadda hadalkaaga ee dheh, Shiikh Mukhtar Roobow Cali Abuu Mansuuro heshiis la galay dowlladaha Koonfureed iyo ta Federaalka Muqdishuuna ka degay."
Weerarka iyo weerarceliska markuu sidaa u socdo mar uu suxufigii Tvga waydiiyay Borofiisarku, bal inuu Roobow dambiile yahay lana mid yahay Xasan Daahir Aweys tahayna in lala xisaabtamo, Dr Cali Baab waxba umuun reebin, wuu u dhaanshay wariyihii iyo inta isaga ku caqliga ah.
Datoorku wuxuu yiri "saaxiib la xisaabtan hadday tahay, waa in laga soo billaabaa 1991-kii, dhiigyacabyadii waawaynaa ummadda Soomaaliyeed kala gaabshay dalkana burburshay ayaa qaarkood maanta noolo waliba xililka ugu sarsareeya dalka loo dhiibay, Shariif Axmedaabbihii shacabka Soomaaliyeed caruurahooda Idaale iyo Daynuunaay ku soo baaba'shuu ahaa madaxweynuuna ka noqday dalka, Cabdiqaybdiid Bakaaraha sida suuqa Dahablaha hilbaha dadka siduu ugu gali jiray waa la wada ogyahay SEI PIONO walibana waa la dallacsiiyay janan into laga dhigay baa Aqalka Sare lagu daray, Indhacadde sido kale oo biyihii webiga Shabeellaha-Hoose uunka Illaahay ka iibin jiray baa maanta Janaraal ah xil sarena dowlladda Federaalka loogu magacaabay, marka haddii caddaalad la doonayo iyo islaxisaabtan, waa mujrimiintaasi dhamaantood horta laga soo bilaabaa koodkana la soo taagaa, midda kale, Abuu-mansuur waa nin beesha caalamka iyo dowlladaha Koonfurta iyo Federaalka Soomaaliya heshiis la galay isago ciidankiisa ku dhex jira oo aanu baxsad ahayn, Abuu Mansuur ma uusan ahayn sida Aw Xasan Daahir Aweys oo kale oo la soo bursadayo isago faramaran duurka laga soo qabtay, Shiikh Mukhtaar waa nin ciidan iyo talis xoogganba leh kuna yimid gorgortan siyaasadeed una muhiim ah dowllaadda Soomaaliya iyo nabadda geeska Afrika, haa, Shiikh Abuu Mansuur dowllaadda way u baahan tahay isaguna waa uu u baahan yahay, oo labada dhinac way isu baahan yihin, waxaana mideynayo isu keeneya danta guud."
Hadaladan dhagaxdugaaleedka dhumucda culus dhadhaabaha ka adag maarta qaboojiya kolkii uu geesiga aan gamban halyeeyga aan aarkiisu qoraxda u dhicin Borofiisar Dr Cali Baab ku dhirbaaxay dhegahanna kaga jafay canaasiirta ka soo horjeedda nabadda iyo horumarka isu soo dhawaanshiyaha ummadda Soomaaliyeed, inkastooy dhamaantoodu firdhadeen guuguulyaashii hoosta ka ganuunacayay gaalayuuskooda sii guraya, haddana geesta kale rasaas culculus ayaa kaga socotay qaar ka mid ah waxmagaratada dadkiisu Ditoorku, kuwaaso qaar aan naqaan magacaantooda aan soo gudbin doono tilifoono shanta qaaradood uga soo dirayay Borofeysarku iyako ku laahaa "war maxaa ku geliyay, arggiggixiso maxaad u taagereysaa?," iyo ereyo fulay dhawaaqooda wax lagu yaqaan, waana inahaasi halka weli laga haysto bulshawaynta Koonfurta Soomaaliya oo sida runta ah lagu tiriyo xaqir waa yeelkiiye dadka ugu tirada badan tirakoob ahaan malaayiinta Soomaalida ah.
Ugudambayntii, hadalka waan dhihi naqaan, qaarkeen murtiday soo dhuftaan waadba la dhaygagiye, war dhiibidda dhufashaduse maxaan uga dhabcaalownay xaalku kolkuu marayo, quburada odorosta siyaasadda geeska Afrika goortii ay aragtay sida uu u hadlayo dhiigga ku jira xaqiisana u dhacsanayo rugcaddaagan tagey inuu yahay Borofiisar Cali Cabdi (Dr Cali Baab) ninka ugu aftahansan siyaasiyinta dhulwaynaha Koonfurta Soomaaliya caalamka maanta kolka la qiimeynayo ereyada dhamacda ah iyo luqadda diblomaasiyadeed ee uu adeegsanayo xiliyada uu khudbadeynayo iyo waqtiga wareysiyada laga qaadayaba, taasoo ka dhigan inuu macalin u yahay dhamaan waxa magaca la sheegta xiranna taayga siyaasadda, iyado ay mudan tahay in casharo laga qaato aftahanka aftahanada nool qarnigan Dr Cali Cabdi Baab.

Gurmada oo gacmaha isqabsada gunnimo geeridaa ka roonba la yiriye laakiin !!

By: Ustad Adam Increase



COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.