Inta Daawatay: 1196
  Thursday August 03, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Aduunbaan wax dhaadino anba dhibaha jiilaal xiliyadan isdhalan rogay dhibta kaa ilaalshay, dhacadkiyo abaaraha kaa dhawray hadimo dhito subag lo'aad iyo ku cabsiiyay dhaydo, yey dhicin intaan lahaa dhugan waayay taydo dheeldheeli awgaa igu dhaafay waayuhu. Sido li'i jaawiri ku dul dherersanaayo aduunbaan ku dhawraa dhanna kaama aadin, dhillowyahan sidiisii intaan kugu dhalloolnaa dhexda kuugu duubnaa hadba dhagaxa toobo, ama, aan dhulkaba qodo dhirtan iyo magaasha eed noqon lahayd dhexda maan ka liiceen. Dhabaado u seexdaan dhibbaan ahay korkaago dhunfigaa jiraan ahay dhaxantiyo dhugaaggu, ano dheel arooryaad dharartiisu dharartiisu igu taal dhab markaad u toostaad dheeraad igu fashaayo dhaxalkaygu uma helo sidaan kuugu dhiibto hadba dhimashadayduna dhagartaadu weeyaan, se, igu dheeridaa ma dhulgaaxdibaad tahay mana soo dhowaatido ma midaad u dhalataa?



Bulsho burburtay sida teena kolka la doonayo in dib loo dhiso ugu horayntii waa in la helaa qaacid qalinka qori yaqaan dhinacyo badana ka dhisan kaaso dulqaadkiisu suuragalin kara inuu isku wado bulshada qaybaheeda kala duduwan islamarkaana dusha u ridan karaya wax Allaaliyo wixii xumo kaga yimaada mushtamaciisa uu hoggaaminayo si uu meel uga soo saaro bulshadaasi wakiilka looga dhigay libina ku soo gabangabeeyo hanaan-hoggaamineedkiisi badi ay ku fashilmaan masuuliyin farabadan aakhirkii, taaso waxa loo aanaynayaa noqonayso sababo kala geddisan ayna ugu waynyihiin sida:- musuqa ku qaadqaadashada qalinka iyo qabyaaladda qaraabakiilnimada, kuwaaso runtii la dagay dalkii ugu qanisanaa uguna nolosha wacnaa qaaradda Afrika Jahmhuuriyaddii shantasoomaaliya.
Markii ay dhacday qabtii galowgu yeeray firadu duushay sanaddii 1991 la soo kala yaacay dadkeenu Soomaalida u kala firxadeen dunuda daafaheeda kii mudnaa iyo kaan mudnayn qaxaantiyo la noqday gacmaha la wada hoorsaday duul ay daranyoobeen shisheeyuhu iska soo qaatay xisaabtana ku buuxsaday dalka Faransiiska Soomaalideeni ku jabtay waxaa Illaahay uga soo saaray wiil yaro wayn Raxmaankan dunida uumay ugu deeqay dadnimo aqoon karti iyo dhiig kaasoo lagu magacaabo C/Rixiin Xaaji Maaxi oo wuxuu galo iyo wuxuu gudo maanta ay Soomaalida Faransa aad u taqaan anana aan ka dharagsanaan doono.
Mudane C/Rixiin Maaxi waxaa qurbahan la keenay isago aad iyo aad u yar gaar ahaan dalka Faransiiska, mahadi haka gaadhee waalidkii dhalay aabbihiiXaaji Maaxiiyo hooyadiiHodan Maxamed Xaashi Dilindilekamay gaabin ku tarbiyeynta ubadkooda mudnaanta koobaad diinta Islaamka iyo aqoonta maaddiga, waxaana intaa sii dheer in waalidiintaasi iyado waddan shisheeye barigaa fog Soomaalidu sida maanta caalamka qurbuhu ugu badantahay ugu badnayn wiilkoodo iskuul isaguun Soomaali ka yahay dhiganayo uu haddana afkiisi Soomaaliga ka Abbe iyo ka Hooyaba uusan lumin haatana uu ugu hadlayo amaba uuba ka badsho kuwii gudaha dalka joogay Geeska Afrika, taasoona marka koobaad ku tusaysa halka uu ka soo jaanqaaday Maaxi inay tahay halkii lagu yiqiin mahadhooyinka taariikhaha guusha halyeeyada kooban dhigay marinka ay ka soo ambaqaadeen bilowgiiba, waana waxa keenay inuu magaciisi uu qabsado adduunko dhan muuqiisuna qarsoomi waayo shaashadaha warbaahinta ugu xoogga badan uu ka soo muuqdo.
Aqoonyahan Maaxi goortii uu waxbarashadiisu dhamaystay uma fakarin oo kali ah inuu calooshiisu buuxsado cunooyinkana uu reerkiisi u dabro, balse waxaa uu u fakaray bulshadiisi uu ka dhashay dhamoontood ku noolaa dalka Faransiiska xili ay xaaladdu aad ugu adkayd dadka Soomaalida, tusaale:- Faransa waqtigaasi kuma oolayn safaarad Soomaaliyeed oo matasha Jamhuuriyadda Soomaaliya, xafiisyada qaabilsan qaxootiyada waxaa dhamaantood turjubaano ka wada ahaa dhanka Soomaalida dad Jabuutiyaan ah, muwadiniin farabadano Soomaali ah xabbadda dalkoodi ka soo cararay soo miciin biday cariga Faransiiska bal si ay naftoodu ugu badbaaddo waxay sharciga qaxoontinimadu ku waayeen caddayn la'aan inay Soomaali yihiin waxaana dadkii aminkaasi loo soo badi wada saarshayNEGATIVEdiidmo la diiday in laga qaabbilo waddankaasi, taaso ku kaliftay inay darbiyada seexseexdaan si dhuumaalaysi ah sida dalalka qaar Carabta Sucuudiga amaba ay isaga huleelaan dalkaasi.
Si looga baxo dhibtaasi baaxadda wayn leh loona furto Soomaalida diidmada lagu garaacayo habeen iyo maalinba, aqoonyahan C/Rixiin Xaaji Maaxi waxaa uu la soo baxay buug iyo qalin wuxuuna hal hal ula kulmay idil ahaan Soomaalidii xiligaasi Faransiiska joogtay go'aana waxaa lagu qaatay in la dhiso jaaliyad Soomaaliyeed mido xoog badan, waana la dhisay jaaliyaddii. Jaaliyadda kolkii dhidabada loo taagay islamarkiiba Mudane Maaxi wuxuu albaabada ku garaacaydowlladda Faansiiskaisagoona midigta ka gelshay dukumiintiyada jaaliyadda ummaddiisi, Faransana wuxuu u sheegay in laga bilaabo saakadaasi jaaliyaddiisi ay matalayso xitaa safaraadda Soomaaliya ee Faransiiska, inahaasi waxaad ka aragtaa Maaxi aqoonyahanka wiilka yaro wayn caqliga badan dadkiisi u hiilinayo inuu ka hortagayo waydiinta caddaynta Soomaalinimada ay xaafiisyada qaxoontigu ka imaanayso, waanu ku guulaystay aakhirkii oo dowlladda Faransiiska Jaaliyadda Soomaaliyeed ee uu dhisay Gudoomiye C/Rixiin Xaaji waxaa ay u aqoonsatay inay matasho safaaradda Soomaaliya ee Faransiiska si toos ahna caddaynta muwaaddinka Soomaaliyeed iyadu lagala soo xiriirayo shaabbadda jaaliyadda iyo waraaqdii ay sixiixdo shaqaynayaan inta laga helayo safaarad Soomaaliyo rasmi ah, taasono runtii meel martay sababna u noqotay Soomaali badan diidmo la siin lahaa inay sharciyo ku helaan baajisayna khataro waawayn dhanka qalinka ku soo wajahnaa Soomaalida.
Waxqabadka wiilkan yari intaa oo qura kuma koobna geesta kale waa qareen qareenada la shaqaysta aad u bartay shuruucda dalka, wuxuu Soomaali badan ka furfuray xarkooyin xujo lugahooda ku dabranaa lagula taagsaday sharciga isagoona dhankiisa la tiigsaday shuruucda uu kaga furfurayo ulasada lagu xiray muwaadiniinteena ka soo hayaamay dalkii badankood aan wax badan kala socon qurbaha gaar ahaan waddamada Reer Galbeed, dalalkaaso sida la ogsoonyahay aanay ka shaqayn Af-Soomaaligeeni annaga aan isku niqiin, balse, i tus oo i taabsii hanaankoodu qarniyada u degsani yahay.
Mid ka mid ah socdaalada dhaadheero warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya Afka qalaadna Ingiriisiga loo yaqaanSouthernMediaCo-Operationay dunidu ku marto ooy lugta gelisay hoygaaqoonyahan C/Rixiin Xaaji Maaxiahna gudoonka guud jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddanka Faransiiska wareysi miisaan leh la yeelatay masuulku, wuxuu carrabka ku adkeeyay in ay muhiim tahay Soomaalida inay qabyaaladda meel iska dhigto meelna uga soo wada jeestaan danahooga guud qaranimada dararta deeqi kadha dhamaan qoyska Soomaalidi, waxuuna mudanuhu hadaladiisi gubtaanyada ahaa caloolyowga ku jira afkiisu ay soo mareen ereyo ay ka mid yihiin in Soomaalida iyo Soomaaliyaba la xaraashayo iibna ay yihiin shacabka iyo dalkooda ayna gaadhay ummadda heer aad u xun halka ugu liidata ee ah xitaa in gabdhihii dhawrsanaa sharafta badnaa la gadgadanayo si aan aan la aqoon falkaasi wax lagu fasiraba, taaso illinba ay ka keenayso ruux walbo damiir dadnimo iyo mid diineedba leh kolka uu dhugto ama uu dhaguugo darxumooyinkaasi ay xili walba ku sugnaadaan dadkeeni holanka lagu furay si ay isaga guuraan dalkoodi loogalana wareego dhulkii carada samaa.
Guntii iyo gabangabadii inkastooy Soomaalidu tiraahdo "legdin aadan ku jirin kula fudud." dhibtuna qofka kolkaasi ku dhex jira lugihiisu halistu limban yihiin ee uu xanuunku aad u dareemayo kaagana werwer badan yahay ummuurta xiligaasi aloosan, haddaan la is inkirahayn luqaafo la isu dhigahayn runtana la isku laasimayo, waxaa amaan iyo bogaadin mudan shaqsi kasto Soomaali ah is abaabulay u istaagay waxna u qabanaya dadkiisi doc waliba u dhibtoon sida aqoonyahan C/Rixiin Xaaji Maaxi gudoonka jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Faransiiska, kaasoo ka damqanaya dandaradooyinka dabadadheeraday iyo nasiibdarooyinka ku habsaday bulshada Soomaaliyeed, musiibooyinkaas gacankusmamayska ah ooy soo waarideen dhibaatooyin farabadan sida:- abaaro aan dhamaadba lahayn, qax joogto ah, cuduro aan soo afjarmin, nidaam iyo kala dambayn la'aan sharafkii la tagay, ceeb iyo sumcad xumo wayn wajiga wax yeeleeya iyo adduunkii la seeg aakhirana aragtideeda erey u dhigma fuudka kulul ee laga cabbayaa ayaandarooyinkeena wata cudurada aafeeya teeriyo 1988-kii.
Qofkii qori yaqaanaana qalinka loo dhiibtaa aan qaadqaad lagu ogayn qasnaddana laakiin !!

By: Ustad Adam Increase

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.