Inta Daawatay: 1289
  Saturday May 27, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Warbaahinta Arlaadi:


Teamka Southern Media Co-Operation oo si kaamil ah u qalabaysan safar dheer shaqo ay ku tageen magaalada Denhaag ee waddanka Holland qaaradda Yurub waxaa ay Warbaahinta ku bohowday dalwaynaha Koonfur Soomaaliya ay markii ugu horaysay jaandhigeeda halka ay qabtatay wareysi kulul oon waxba la isugu harin la yeelatay Wasiir Kuxigeenka Dhallinyarada iyo Sportiga Dowlladda Koonfur Soomaaliya Mudane C/Qaadir Ibraahin Ataaka oo runtii ka mid ah shaqsiyaadka ay aad u doon doonaysay saxaafadda Koonfureed.


Wasiir culus rugcaddaa siyaasi Mr Ataaka waxaa la waydiiyay arrimo dhawr ah wadciga taagan ka turjumaya ooy ku sugantahay Koonfurtu sida colaadahan aan joogsiga lahayn, dhacaboobka furan, daaxurinta saaxada siyaasadda oo lagu gumaysto, mushkuladda Shabaab ku gooniyowday, qorshaha dhagarta badan loogu wanqalay One Man Vote 2020-ka, dhaqandoorinta af iyo dhuleed dhoobka laga saaray arrintii 6-da Gobol, hanka madaxwaynenimada kursiga sare la daqray iyo xaaladda Shariif Xasan iyo waliba abaaraha ku kali abaaday shacabwaynaha leh ee daggan deegaanada ugu barwaaqada badan geeska Afrika kuwaaso magacaan kala duduwan loogu yeero badina abbaaraya sumcadda una badan liidid asalkaba.


Mudane C/Qaadir Ataaka wasiir Kuxigeenku isagoo carra kulul ay wajigiisu ka muuqatay xaraaraddiisa heer kulkuna ay dhaafsiisantahay tii caadiga ahayd ee lagu yiqiin, waxaa uu dahaa ka fayday in guud ahaanba Reer Koonfur Soomaaliya wax nolol ah aan lala rabin cid doonaysaana aysan jirin inay sii noolaadaan marka laga reebo Allaha abuuray Subxaanna "Waa loo tashaday dhan walbaana laga soo ciriiriyay dadkeenu iyana waxba fahmi maayaan kicina maayaan, caruurteenu 5 jir ilaa 15 jir ma haystaan waxbarasho oo waxaa looga faa,idaystaa siyaabooyin kala duwan isla durayaddooda lagu qaribayo, qaar Shabaab ayaa laga dhigaa Sanaacatul Mawd gowracaa la baraa bulshadoodayna soo qarxiyaan, qaar ciidamada Dowlladda Dhexe ayay askar u yihiin misna dadkoodaa lagu dilaa, qaarka kalo harayna baahi inay u dhintaan iyo baddoo lagu daadiyay u qaybsamaan, waxaa Baarlamaanka Dhexe naloogu soo xulay xaanshiyo cad cad ama caruuro waxay la socdaan meesha ay ku jeedaan iyo ka jeedaan aanay warba u hayn, dadwaynaheena barnaamijka Nin iyo Codkiiga qayaanada wayn ee cadowga ummaddan diyaarinayaan 2020 anana horaan nalooga diiday markaan madaxa banaanayn 1947-kii deegaamadooda into qaab musiibooyin gacan-ku-samaysa lagu kicayay ayaa la dajiyay deegaano kale ayagoon waxba ka ahayn sida Somaliland, Khatumo, Puntland iyo gobollada dhexe iyadoona danta laga leeyahay ay tahay in doorashada 2020 halista badan karaar intii la siiyo lagu oran doono annaga inoo cadeeya si loogu dad badsado, waa dareerin waraabe ku dacayee, Barafasoorkii dhamaa hoggaanka shacbigan wax u soo bartay halkii la doonayay inuu raakada dheer fuulo waa kaa fasalkii koobaad soo fariistay Mr Jawaari kana caqabadeeyay halka keliya u soo baxay inuu hawaysto kursiga sare ee dalka soona taabto, Shariif Xasan wuxuu soo istaagay madasha tartanka xilka sare kolkuu arki waayay wax u soo istaaga hoggaanka Villa Somalia, Dadkeena annaga naga dhashay oo runtii iska leh Allaahna makansiiyay dhulka nimcadu iska dhex huruddo haddana ayagaa ugu gaaja badan meel kasta lagu caayaa, waxaa laga soo qaadaa inkastoo marar badan laga gaajo badan yahay sawirada ugu foosha xun bahdilka ah diiftu ka muuqato iyo muuqaallada ugu nuxuusaysan ee aadane laga soo duubo, muuqaalka jismigoodaa caalamka cadowgoodu uga soo tuugsadaa macaashka ka yimaadana waa lagu daarodhistaa, bal kaamam iyo waabab ayaa loo ootay ooysan ka guuri karin NGO-yo qarash malaayiinaa lagu dul cunaa ooy hadday isku dayaan inay ka guuraana loo haysto qoriga caaraddii dilka iyo dhaca iyo kufsiga xadgudub insaan lagula kacaa aan afka la soo marin karin iyadoon lahayn maalina hal masuul xasaanad leh ka dhashay ka hadlaya, arrinta 6-da Gobol kama aynaan tanaasulin kamana tanaasuli doono, laakiin bal waakaa dadkeena meel ku sheeg, kuwa qurbaha iyo kuwa gudaha waxay leeyihiin dawlladdu may wax qabato, malaha (contribution) tabarucaad mutadacnimo, waxaan loo baahnayn ayay ku hawlan yihiin walina way hurdaano uma eka dad uu dhul ka maqanyahay," sidaa waxaa ku hadaaqay wasiir Ataako oo wariyaha jugta culus Adam Increase waydiimo dhagaxdugaaleed ah daryankoodu dawanka baxaya duldhigayay masuulku gudaha Denhaag halka ay ku taal maxkamadda dambiyada dagaalka adduunka The Hegue ee waddanka Nederland.


Warbaahinta ku bohowday Koonfurta Soomaaliya oo runtii la kulantay shacab iyo siyaasiyin ka kala duwan intii ay socodka waddamada qaaradda Yurub ku guda jirtay, waxaa ay wareysi maqal iyo muuqaal ah ay la yeelatay gudoonka jaaliyadda Koonfureed ee dalka Holland ahna madaxa hayadda Dalmar Mudane Axmed Macalin C/Wahaab, kaasoo faahfaahin dheer ka baxshay qaab nololeedka meesha ay ku nool yihiin iyo waxqabadkooda ku aaddan dalkii ooy abaaruhu halakaynayaan roob iyo roob la,aanba.
Gudoomiye Axmed Macalin waxaa uu ku nuux nuuxsaday in dadaal walbooy u galaan taageeridda bulshadooda dhibaatadu loo amaamudo, waxaa uu geesta kale eedayn kulul dusha kaga tuuray qurbajoogta ka soojeedda Koonfurta Soomaaliya kuwaa ee uu ku tilmaamay inay ka gaabiyeen iskaashiga tabarucaadda tii looga baahnaa, iyadoo buu yiri Mudane Axmed in dadyowga webiyadu kolkaad dhugatood dhaguugto aad daniyayso inay ka gaabiyaan dhanka ismuujinta dadnimada jaaliyadaha kale ee gobollada kale dalkeena Soomaaliya.


Ugu dambayntiina madaxa guud hayadda khayriga Dalmar ee ka dhisan dalka Nederland, waxaa uu shacabwaynaha Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Koonfurku kula dardaarmay inay isasoo muujiyaan islamarkaana gacmaha si wadajir ah isu qabsadaan si buu yiri asaagoodu ay ula baratamaan tartanka noloshan ku dhisan daaxurintu, isagoona masuulku cod dheer uu ku sheegay in dhamaan ummadda muslimku aad isugu gargaarto isna cafiso bishan Barakaysan ee Ramadaan kuna beegan xiligii Quaraanka Kariimka ah qawlkii Eebbe laga soo dajiyay samada kore.


Reer Koonfur Soomaaliya oo xafiisyo waawayn jaaliyadoodu ku leedahay waddanka Holland, waxaa hoolkoodu xaflad ballaaran heer Federaali ah soodhawayn iyo war kala qaadasho loogu qabtay xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Federaalka dalka Soomaaliya Mudane Daahir Amiin Jeesow oo si wayn uga warbixiyay xaalka Soomaaliya meesha uu haatan marayo iyo waxyaabihii laga soo maray dhisidda dowlladnimada qaranka Gesska Afrika, waxaana gabangabadii Xildhibaan Jeesow su,aalo culculus lagu waydiiyay madasha su,aalahaaso ooy ka mid ahaayeen sida inuu yiri iyo in kale hadda kahor in "ragga iyo ragga ay isguursadaan gudaha dalka Soomaaliya," warkaaso uu aad u beeniyay kuna tilmaamay in ururka Al-Shabaab ee uu isagu ugu yeero Nabaddiidka ay codadkiiso hore into jarjareenooy isdabamariyeen ay wax kale ka sameeyeenooy ka soo saareen si ay ugu diraan shacabka Soomaaliyeed guud ahaantiiba," iyada oo xafladdaasi ay ku soo idlaatay jawi aad u heer sareeya.


Ninkii Waraabe dareerin ku dacayeeyna ama danbaa u gaysay ama waa u doqonimadiisi laakiin !!
By: Ustad Adam









COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.