Inta Daawatay: 1537
  Sunday May 07, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Maalinnimadii shalay Sabtida ahayd magaalada Davos xarunta shirarka dhaqaalaha adduunka waxaa ay martigelisay ciyaar aad u kulul kubadda cagta ah ee dhex martay laba kooxood kala matalaya laba gobol ka dhisan dalka Switzerland kuwaasoo kala ah gobolka Graubunden iyo gobolka Glarus.


Kooxaha ciyaarta kulul ay dhex martay kana kala socday labada gobol ayaa u badnaa dhallinyaro Soomaaliyeed oo xirfad ahaan kubadda cagta aad u soo bartay in mudda ahna ay tababaro culuculus ku samaynayeen qaaradda Yurub.

Ciyaaryahanada martida ahaa Glarus ayaa watay fanaanado casaan ah halka kooxdii matilaysay Graubunden ay ciyaartu ka dhacaysay Davos martidana loo ahaa ay ku dheelayeen maaliyado hurdi iyo midabka buluugga isugu jira, waxaana cayaartan xamaasadda lahayd garsoore ka ahaa dhexdhexaadinteeda Macalin Cusmaan oo loo yaqaan Macalin Muuse oo ay saacidayeen Mudane Maxamed Yuusuf iyo Mudane Axmed Siciid Afcase, halka qiimaynta qaabaal u socodka habsamida cayaarta uu isha ku hayey qabiir sare ciyaaryahan C/Fitaax Nuur Xasan oo loo yaqaan Ugaaska.

Ciyaartan dhamacda ahayd oo uu furitaankeegu daaha ka rogay gudoonka kubadda cagta gobolka Graubunden Proff Saalax Shiikh Cusmaan uuna garab taagnaa maamulaha agabka garoomada gobolka Mudane Ciise Shiikh Yuusuf (Ciise Davos) iyo waliba gudoomiyaha Jaaliyadda Mowliid Xaaji Batriino ayaa waxaa uu ku tilmaamay in kulankaan cayaarta uu yahay mid looga goleeyahay xoojinta xiriirka iyo isdhexgelka Soomaalida iyo waliba ilaalinta dhaqankeena suuban si buu yiraahday borofesoorku dhamaan walaalaha Soomaaliyeed oo dhan meel la isugu keeno ee ku nool dalka Switzerland.

Ciyaartan aan caadiga ahayn shalay isku ballansadeen labadan kooxood ee aynu magacaantoodu kor ku soo xusnay kana kala socday iyana labada gobol ee aanu qormada dusha ku soo sheegnay oo run ahaantii si dardar wayn leh ku bilaabatay waxay socotaba weerar iyo weerar celinba, waxaa ay ku soo idlaatay 3.0 oo ay guushu ku raacday gobolka Graubunden, balse sheekadu aanay halkaasi ku dhamaano reer Graubenden iyana kalkoogu ay kooxda haatan badsheen ugu tagi doonaan gurigooda hadii Alle idmo.

Ciyaartan oo si buuxda loogu casuumay dhamaan qaybaha kala duduwan warbaahinta Soomaalida iyo kuwa caalamiga ah ayaa si wayn looga dhex arkayay Warbaahinta Koonfurta Soomaaliya oo sida xaqiiqda ah ka mid ah warbaahinta ugu afka dheer warfidiyeenada Soomaalida dal iyo debedba kuna soo idlaatay jawi aad u heer sareeya cayaartu.

Mukulaal mininkeeda joogta miciyo libaax bay leedahay laakiin !!

By: Ustad Adam




COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.