Inta Daawatay: 1305
  Friday April 21, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Wararka laga helayo Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh.Dhexe ayaa sheegaya in Nin ku hubeysnaa qori uu Duleedka Magaaladaasi ku Dilay Xaaskiisa.

Dhacdadan ayaa ka dhacday Degaanka Tugaareey Duleedka Degmada Jowhar, kadib markii Ninkaasi oo lagu magacaabo Cabdullaahi Isaaq Xasan iyo Xaaskiisa uu soo kala dhex galay muran, sida Dadka Degaanka ay u sheegeen Warbaahinta.

Weli lama sheegin hadii Ninkan uu ka tirsan yahay Ciidamada Maamulka Hirshabelle.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Maamulka Hirshabelle oo ku aadan dhacdadaasi.



COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.