Inta Daawatay: 1412
  Tuesday April 04, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa aqalka Cad kusoo dhaweeyay Madaxweynaha dalka Masar Cabdifataax al-Sisi, waxa ayna labada Madaxweyne kawada hadleen arimo badan oo muhiim ah.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa looga hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ahaa ee ka dhaxeeya dowlada Mareykanka iyo Masar iyo sidii ay labada dowladood ula wada dagaali lahaayeen Kooxaha loogu yeero Argagaxisada sida Kooxda Daacish.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa dhigiisa dalka Masar u sheegay in ay yeelan doonaan wada shaqeyn dhaw uuna halkiisa kasii socon doono xariirkii iyo wax is dhaafsigii ka dhaxeeyay labada dowladood.

Cabdifataax al-Sisi ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyay oo Afrikan ah oo lagu soo dhaweeyo aqalka cad lana kulma Madaxweynaha Mareykanka, waxa uu sidoo kale noqday Madaxweynihii u horeeyay ee Afrikaan ah ee la hadla una hambalyeeya Trump markii uu guuleestay.





COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.