Inta Daawatay: 2222
  Friday March 17, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Dibindaabyiyo wixii dabin la ii dhigay kuwaa waan daboolo qalinkaan ku duugo dacwad kama banaysano da'da kale waxay tahay, adigoon dambiba lahayn waxa jaray guntiini aan kuu dilaacsho misna diirka aan ka qaado, digtoonow ma ahaatido daadkan kuu yarayn duufaanada ku qaada dumiya dhagaxdugaaleedka damqasha li'idaadu goortay durugtay xaajadu duulshowga iyo duullaamada horkacayo ma digagaxduhu iyo inta la duuban doolaalkooda daranahaasi ku helay iyo durayga ku daamdaamiya markay kugu labadiblaysay durgana wayday socodkii, waxaa doonido baxaa dagaysa cirkaa sare dig kaaga soo yiri doorkii cadowga kaa dugsin lahaa aan dayrin dumaashi una soo dibadbaxay kaaso sifiadiisu looga daliilqaatay, durduryahaw rogmanaya, nin waliba wuxuu dirsaday ayuunbuu dan moodayo, dabka adaa baqtiiyo, dumdumooyin rida oo, dam ka siiya geedaha dadkana aan ka bayrin, durduryahay rogmanaya, Daa'inkay raxmadkiyo, ummadda ugu deeqiyo, waxaad tahay daruuraha roobkii ka da'aaya, Allaha dunida uumiyo, kugu dhaarshay diintuye, darwanaajintaydiyo waxaan kaa duraansado adoon diiday igu oran, dadku siduu u idil yahay inantaan ka doortay wayni kala dayoownay, degdeg iiga sii qaad fariintaan u darayo, dareensii inaan wali awadeed dibjiray qalcad ka dayday leeyahay, daandaanso durba laged xambaar, ma taqaan dabaashuye, loox soo dulsaaro dugaal iigu keen durduryahay.


Inkastoo lagu kooday koobna aan loo darin koodhi kaalmadii loo dhuray kolkii ay kambadhuudhsatay kaligeed uun lagu wiirsaday koolbooyinkii 1961kii iyo, koorasaarkii 1969 kii iyo, kulkiyo xanuunkii 1991 kii iyo kabashkabashtii 1998 kii lagu karantiilay kumina aan looga tagin loona taagin xisaab xirkooda xitaa madaxsalaax lufluf aan dib loogu laabin laqmashada uun loogu laasimay dhiibada soo baanatay xaasidku dhaawacay shucuubtan kulaasha marinbaribiyoodka sida la arkayna garta looga eexday in badan lagu masalafaynayo mood iyo nool iyo waliba mamka mamanaanta maahirnimada ay u yeelaan karayaan inay si mugleh u marineyaan moolka iyo meesha sare ee laga maareeyo maamulka dalka, musoobooyinkaasi dhacay murugooyinka waawayn magna looga dhigay miskiinimo majaacada muuqadoorisa manoole mana dhinte mayd marya wata midigtiisu hoosaydo, aafooyinkaasi casharadoodaasi fartooda kasha ay ku qorantahay kolkii la waayay cid wax ku qaadadata duruusahooda digniinaha dhiiba, waxaa mar qur ah sida doog hir leh nabad ku jooga seerihiisu bidh uga soo dhex yiri bulshadan dhibban la iska falaqsanayo wiil dhallinyara ah Illaahay diin iyo garasho siiyay wax badan tiisi gaarka ah u halmaamay ta guud sida la filana dhamaantiini aad wada qiri doontaan inuu yahay halyeey ah nuuciisu midka halkeeda dhigay taariikhda Geeska Afrika baal dahab ah ka galay naxariistiisi qarsoomi waydayMudane C/Fitaax Shiikh Xasan Aadan.
Fikraddu waa shay cajiib ah, sida aan ka maqalnay haddaanu caamadu nahay culimada tafsiirisa diinta muqadaska sawaawiga Quraanku wuxuu oranayaa "dhulka socda oo fiirfiiriyo fakarana", inkastooy jiraan mutadawiciin aad u farabadan u dhashay Koonfur Soomaaliya kuwo aamusan iyo qaar muuqda isugu jiraan oo taariikh dahabi ah ku leh bogga kaydinta taariikhaha taranka iyo taransiga aadmigu, haddana C/Fitaxaa Shiikh Xasan Aadan waa ninkii dhalshay awoodda Alle falsafadda suuban ku fadhida nusuusta saxda ah ee ah in la aas aaso xeryo caruurta agoonta ahi lagu daryeelayo waxna lagu barayo iyado samafalkaasi lala kaashanayo isla dadka dalka u dhashay uun taasoo aakhirkiina suurowday loona baxshayTaha CharitySamafalahaTaaha.
Tani kolkii ay hirgashay laguna miirsaday sadarcad su'aali ka dhane, Shiikh C/Fitaax kulaylka markuu soo bilaaban rabay abaarta horteed, waxaa uu keenay qorshe ah in ummadda dhibaatadu haysato ee joogta gudaha dalkii uu u soo badhigo si ay u arki karaan kuwa walaalahooda kale dal iyo debedba isagoo isticmaalaya "i tus oo i taabsii", maqal iyo muuqaal kaamarooyin nadiif ah, iyadoona qof Allaale qofkii wax u dhiibana dadkaasi dhibaataysan isaga loogu hagaajiyay walaalka C/Fitaax uu live ama si toos ah ugu soo dhigayo baraha bulshada caddayn buuxda.
Carabta waxay tiraahdaa "calaamatul madhar fi saxaab", qofka dadka anfici doona dhaqdhaqaaqiisi koobaad ayaa laga fahmaa, muwaadinkan aamanta badan fagaarayaasha la taagan aamantu Billaahi ee dadkiisi si iqlaas leh ugu adeegaya runtiina tusaale wanaagsan oo muuqda u ah jiilka haatan soo koraya iyo jiilasha dambe mustaqbilkuba, waxaa uu soo hindisay farsamo cusub aan waligeed Soomaaliya looga dhaqmin, farsamadaaso koobigeedu ommoska iyo abaartan taagan C/Fitaax dabadii ay gobollada kale dalko dhami dhamaantoodu u isticmaalayaan samatabixinta.
Abaartan ku dhifitay geeska Afrika waxaa kolkii ugu horaysay ay qiiqisay gobollada waqooyi sida Somaliland iyo Puntland, hubaal dadyowgaasi dadkoodu waa ay u gurmadeen intii ay kari karayeen, baabuuro baad iyo biya sida ayay u geynayeen muwaadiniinta abaartu halaashay, laakiin Taha iyo hoggaankeedu waxay ku guulaysteen gurmadka abaaraha iyagoo raashiin iyo sharaab ba qaadaya inay booyadaha biyuhu intayan qaadin kahor ay deegaanka ay u sidaan sahayda nooligu maalin ama laba kahor u sii wargeliyaanooy meel isugu keenaan dadka dabadeedna, booyadihii intay sharaac bacyo waawayn ka dabaqaadaan fidshaanooy hog u goglaan dhulka barxadwayn, into biyihii ugu furaan ay yiraahdaan "Muslim Alloow muggaagadhaanso inta tabartaadu ay tahay", iyadoona kaamarad caddayn buuxda ka soo duubaya dadka si cadna u tusaya walaalihii woxooda soo sadaqaystay, arrintaaso meesha ka saaraysa wax isdadabamarintii sadaqadaba gaabiska gelisay ee lagu yiqiin afarjeeblayaasha waqtiyadan oo kale in mudda xoolaha masaakiinta loo soo dhiibay ku taajiri jiray, walow tuuganimo iyo xaaraan aan sinaba taajirnimo loogu gaarin oo wixii xatooyo lagu keenaa khasaaro ay u dambaynayso siday Soomaaliduba horay ugu hadaaqday "weel khayaano waa eber".
Ingiriisiga oo lagu tiriyo inuu ka mid yahay luuqadaha koobaad ee caalamka looga hadlo uguna maahmaahyooyinka badan, wuxuu oranayaa "A friendin need is a friend in deed", oo micnaheegu yahay "saaxiika dhabta, waa ka kula qaybsada dhibta", tani qubarada diiradda ku haysa ummuuraha ka aloosan Geeska Afrika gaar ahaan dhaqdhaqaaqyada dhaqandhaqandhaqaalayn samafalka iyo siyaasadda guud, waxay taariikhda qalin daarka wacan qaasatan nuuciisu cagaaranyahay ugu qorayaan Mudane C/Fitaax Shiikh Xasan Aadan inuu yahay halyeey amaan balaadhan mudan tahayna in xili kasta loogu duceeyo ficiladiisan san isaga iyo intii la midka ahba ee ay ku wadahawlan yihiin hawashan raggii raganimada sheegan jiray aaranka bootayn jiray goortay dhanaanaatay laga waayay saaxada qalalan caloosha aan la buuxsanayno balse haanta la banaynayo misna dhagax garmaqaate ah lagu xiranayo xulusta beerka abaarta, si anfacada irsaaqadaad afka gelin lahayn ugu qaybsanto axad kalo gaajo awgeed turaabta barkaday dhabbacdhabac u jiifa dhulka haraadna u dhimanaya shubanku uu kubaaraynayo.
Geesta kale qolyaha siyaasaddanaxildhibaan Idiris Cabdi Takhtaroo ficiladiisu sida waabarka u cadyihiin kolka laga yimaado, waxaa isna sinaba inta muuqata loo dafari karin hawsha gurmadka ee uu hayo, wasiirka Hubkadhagista dowlladda Koonfureed Mudane Xasan Xuseen Eelaay oo runtii qaaday tillaabooyin wax ku ool ah farax iyo qiirooyin qarooyin waawayn ku beeraya shacabka masuul nuuciisaana aanu horay u qaadin gayigan Southern State.
Guud ahaan Soomaaliya masuuliyinta Soomaalidi gaar ahaan Koonfurta ayaa waxaa lagu yiqiin inay sharaar cadcad iyo suud saraawiil kabayow qurxoon ay soo xidhaan qudha afka ka sheegaan war burinaya ficilkooda, laakiinMr Xasan Xuseen Eelaaywasiirka Hubkadhigistu waxaa uu u dhaqaaqay dhabbihii dhabta ahayd gudashada xilkiisi si uu ugu gurmado dadkiisi abaartu halakaysay.
Duraad ayay ahayd iyo maalmo badan oo ka horeeyay kadib kolkii la arkayay wasiir Eelay oo loorar raashiin ah ee uu dhabarka ku wado sida xamaaligi dhawrka kun dhabarkuxoogaysigiisu ku baddalanayay, taasoo ina tusinaysa soo dhowaanshiyaha uu u soo dhawaaday daacadnimada uu shacbigiisa ugu adeegayo iyo farqi ahaan masaafada lagu cabiri karayo jaad ahaan inuu kaga awran yahay masuuliyinta kale ay isku sanduuqa ku wada qufulan yihiin sheegtaana inay matalayaan una adeegayaan ummaddooda xaqiiqdase burwaaqadu duxda iyo difinta mooyaane, barakalaydu baahida marka ay timaado bidhaantooduna aan midhidho la arag.
Dad badano dhaliila dowlladda fadhiidka Koonfureed Baydhabo ka talisa ee uu garwadeenku ka yahay Shariif Xasan Shiikh Aadan, waxay ku doodayaan inay khalad tahay in la amaano wasiirada xukumadaasi kufsatay masiirka dadwaynaha samahajecel dhul ahaan daggano leh ku fidsan minmisjiidkaArbaca-RukunMuqdisho ilaa xuduudaha gudahaba u galo Kiiniya iyo Itoobiya, laakiin afkaartaasi waa mid aan ku fadhin caqliga saliimka ah lagu barabaarayo tusaya waxqabadka masuulku iyo dowlladduba.
Haddaan u kala qaadno 2 qaybood oo gudawayn, waa inaynu kala saarnaa dadka horboodaya iyo nidaamka dowliga, haykalka dowligu waa mid ay wada leeyihiin mucaarid iyo muxaafid, balse kuwa hoggaanka haya waa lagu dhalliili karayaa inay yihiin jamhuur inqilaabtay hagidda maamulka aanayna xalaali ahayn, waxaanse aan dabool in la saaro indhaha laga xidho dhagahana laga furaysto ku haboonayn in shaqsiyaadka falkasan siduu sawirku tusayo garwadeenada maamulka haboonayn in la xaqiro waxgalkiisi sida wasiir Xasan Xuseen Eelaay.

C/Fitaax Taha nin waliba intay taagtiisu tahay bay qodaxduna tagtaa waa geesi tuhunsan rag isu tagey tashaday cir tararay taaka labadii wuu toli karayaa !!

By: Ustad Adam

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.