Inta Daawatay: 1686
  Monday March 06, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Waxaa xalay magaalada Zurich ee Dalka Switzerland lagu qabtay Xaflad aad u heer sareysa oo lagu taageerayay Dowlada Cusub ee Soomaaliya' gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof: Jawaari iyo Ra'isul Wasaare Xasan Kheyre.



Xafladaan oo ahayd tii ugu ballaarnayd oo nuuceeda ah laguna taageeray Dowlada Cusub ee Soomaaliya 'waxaa soo qaban qaabiyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqanZurich ee Dalka Switzerland.


Masuuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaalida ku dhaqan Magaalada Zurich oo goobta ka hadlay ayaa taageero ballaaran u muujiyay Madaxweyne Farmaajo Gudoomiye Prof: Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyrre, iyaga oo Ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in lala shaqeeyo Dowladda .

Madaxa Warbaahinta Koonfurta Soomaaliya' Dr: Cabdullahi Ibraahim Amaandhooreyoo goobta Xaflada ka hadlay 'ayaa dhankiisa Shacabka Ugu baaqay in aay garab u noqdaan oo si wanaagsan ula shaqeeyaan hoggaanka cusub ee Soomaaliya. Madaxweynaha Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ra'iisul wasaaraha cusub isaga oo ku tilmaamay wadaniyiin ku yimid Rabitaanka Shacabka.

Dhammaan dadkii kale ee ka hadlay xafladda, , ayaa muujiyay taageerada ay la garab taagan yihiin hoggaanka cusub ee Soomaaliya.

Fannaaniinta Soomalida ugu caansan ee dalka Switzerland.ayaa xafladda qeyb ka ahaa kuwaa oo ka qaadayay heeso dhiirri-gelin ah oo loogu tala-galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof: Jawaari iyo Ra'isul Wasaare Xasan Kheyrre.

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.