Inta Daawatay: 2951
  Tuesday February 21, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Musaasabad lagu xusaayay Maalinta Afka Hooyo si qurux badana loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.

Munaasabada lagu xusaayay Maalinta Afka Hooyo qabashadeeda waxaa iska kaashaday Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga {AGA} iyo Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya, waxaana ka soo qeyb galay madax ka kala socotay maamulka k/galbeed, bahda waxbarshada, warbaahinta iyo wakiilo matalayay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Magaaladaasi.


Wakiilka Akadeemiyo Goboleedka Af-Soomaaliga ee K/Galbeed ahna Gudoomiyaha Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya Prof. Maxamed Cali Kalaay oo furitaankii munaasabadaasi khudbad qiima badan halkaasi ka soo jeeediyay ayaa ku dheeraaday ka sheekaynta waajibaadka iyo hawlaha ay Akdeemiyo Goboleedka Af'Soomaaliga u xilsaaran tahay, wuxuuna carabka ku dhuftay in AGA ay ka go'an tahay ilaalinta daryeelka, hal abuurka iyo horumarinta afka hooyo, isagoo u soo jeediyay ka qeyb galayaashii madashaasi inay gacan ka gaystaan dhowrista afka Soomaaliga.

Afhayeenka golaha aqoonyahanada koofurta SoomaaliyaDr :Fowziabdinuuroo goobta ka hadlay ayaa sidoo kale dadkii Munaasabada ka soo qeybgalay kula dar daarmay dhowrista Afka Hooyo isaga oo sido kale ugu baaqay in had iyo jeer adeegsadaan Afka Hooyo kana dheeradaad in aay ku dhex daraan marka aay hadlaayaan luuqadaha kale.

Munaasabada Maalinta Afka Hooyo waxaa sidoo kale lagu qabtay' Magaalooliyin badan oo Soomaaliya' ka mid ah.


COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.