Inta Daawatay: 2317
  Sunday February 12, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Munaasabaddan oo aheyd mid ballaaran islamarkaana ay ka soo qeyb galeen Waxgarad, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Culimaa’udiin, Malaaqyo iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa lagu soo dhaweynayay Malaaqa cusub ee Beesha Disow, Malaaq Cismaan Bashiir Cali.


Ugu horeyn, Ugaass Maxamed Aadan oo ku hadlay Munaasabada soo dhaweynta ayaa waxuu dardaaran u jeediyay Malaaqa cusub ee Beesha Disow, isagoona ku booriyay in uu u shaqeeyo Umadda Soomaaliyeed.

Ugaas Maxamed oo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu ka dalbaday Dadkii ka soo qeyb galay Xaflada in ay caawiyeen Dad badan oo dhibaato ay ka soo gaartay abaaraha ka jira Degaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhinaciisa, Malaaqa Beesha Disow, Malaaq Cismaan Bashiir Cali oo ka hadlay Xafladaasi ayaa waxuu balan qaaday in si hufan uu u gudan doono howsha loo igmaday.

Malaaq Cismaan ayaa waxuu carabka ku adkeeyay in Beesha Disow kaliya uusan wax u qaban doonin balse uu u shaqeyn doono Umadda Soomaaliyeed.

Malaaqan ayaa dhinaca kale waxuu hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi oo dhawaan lagu doortay Magaalada Muqdisho.

Sikastaba, Caleemo Saarka Malaaqa Beesha Disoow, Malaaq Cismaan Bashiir Cali ayaa lagu wadaa in dhawaan lagu qabto Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

DSC_0191DSC_0193DSC_0195DSC_0198DSC_0199DSC_0204DSC_0208DSC_0232DSC_0245DSC_0249DSC_0258DSC_0259

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.