Inta Daawatay: 1755
  Sunday February 12, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Nin waliba dhaliil waa ka tagey iyo dhaxal awoowgii, habrahaan ka dhuudhuuman jiray dharaar iyo habeenba, dhaanto iyo waalo beeraybaan cabsi u dheeli jiray la igu dhibayaa dhalanteed waxba noogama dhineyn iyo dhuuni qabatayn imaanshihii kacaankii uu hogaaminayey dhiigyacabkii ina Siyaad Barre Soomaaliduna badi ay u taqaan Afweyne.




DHuudhuubka naloo soo dhexgaliyo dherersigoodiiba dhib iyo dhakafaar dhac iyo boob magac dowladeedba goormaynu aragnay aan ka ahayn dhalashadii Afweyne tawradiisa 21 kii Oktoobar sanadii 1969 goor fiid ah taasoo dhalanrogtay hanaanka iyo haykalkii Soomaali u soo noolaan jirtay qarniyo iyo qarniyo tagey illaa guyaalkii gunaanadka gobo'doodu garaaryaha loogu gu' tirnayey Ayeeyo-Caws-Lafac.

Illaah bay u tirsanyihiine malaayiinta tobaneeyada ah ee Soomaalida lagu qayaaso ayaa 99% maanta aaminsan in burburkan dabadadheeraaday ee ragaadiyey sharafkii iyo karaamadii Soomaaliya uu sabab u ahaa kaligii taliye af iyo addin gees walba ku dhiigle Afweyne kaasoo ka shaqeeyey wadiiqadan jiidhjiidhsan jidka dambe aan lahayn jarta iyo buurta dheer ku dhamaata maanta Soomaaliya mareyso kadib markii uu shaqadiisi ka dhigtay qabyaalad iyo qaraabakiil lagu naasnuujinayo qolo gaar ah, musuqmaasuq iyo habarbiciid futo-qaawan. eex daran iyo caddaalad daro baahsan ku lamaanan "Anaa amiir anta Cabiid", taasoona dhaxalsiisay qarankii Soomaaliyeed iyo ummaddiisuba xadaaxad, dibjirnimo, iskadabawareeg, i jiid aan ku jiido oo gacmadaalis ah, is ugaarsi joogta ah sidii habardugaag curadkeeda la dilay, baabba' dalanbaabi, boob furan iyo dhac, damaac iyo waali ay dabataal ceeb weyn oo qoyskii Soomaaliyeed u dhiibtay Udi-Abtihays kaasoo sinjiga iyo magaca Soomaaliweynba daafaha dunida urkiisu uu ka soo kamkamaya teeriyo sanadkii 1991 kii.

Sidaan horaanba u soo aragnay Afweyne markii uu xukunka afgambiga ku qabsanayey Soomaaliya waxaa ka jiray 8 gobol oo qudha waxaana inyar kolkuu joogayba siddeeddii gobol uu geeyey cusbitaal waxaana gobol walba uu ka dhaliyey gobol kale, waxaa la yiri gobol gobol dhalay, anagu waxaan waligeena maqli jirnay naag cunug dhashay laakiin gobol gobol dhalay Afweynaa inoogu koow ahaa, arinta ah gobol in gobol laga dhaliyo macna weyn baa ku jiray waxaana loogu daneynayey qabiil gaar ah taasoo aan ku arki doono qormadeena hoose idam Alle.

Sideedaba ninkani markuu kursiga imanayey Soomaaliya curdan ayey ahayd, waxa Jahmhuuriyadda Soomaaliya loogu yeerayey waxay ahaayeen Koonfur iyo walaalahayaga Waqooyi la siray oo isku darsamay, waxaa maqnaa Jabuuti oo Faransiis haystay. Soomaali Galbeed iyo NFD, kuwaasoo maanta qaarkood dhibka Soomaaliya haysta loo tiriyo iyana inay qayb ka yihiin maxaa yeelay dhiigyacab Afweyne isagoo dan qabiil wata waxaa isla markiiba Soomaaliya oo curdan ah gumeysi markaasi ka soo baxday afka u gelshay dowllada Itoobiya iyadoo dadka uu ku furay barobagaan waddaninimo aan waxba ka jiran si uu u fushado danihiisi qabyaaladeed gaarka ah ee fog saldhigna u ah xukun boqortooyo geeska Afrika ah.

Taariikhda mar walba waxaa ay ku fiican tahay qofkii nool haddii uu raadraaco wixii dhacay sax iyo qalad ayey ku saacidaysaa inuu kala fahmo, kaligii taliye Afweyne markii uu dagaalka ku qaadayey Itoobiya waxaa jiray dhul Soomaaliyeed Soomaali iskudhaf u badan dagganyihiin meesha uu hoostagana ka jilicsanaa xiligaasi dalka Itoobiyada weerarka lagu camimay dhulkaasoo ah NFD Somali Kenya, haddaba halkaa iyada ah waxaa ka soo baxaaya su'aalo dhawr ah qofka caaqilka ahi uu isweydiin karayo sababta keenaysa mira gacan ku jira in loo daadiyo kuwo geed saaran oo gurid u baahan ?

Haddaanu milicsano sida loogu kala noolaa Soomaali Galbeed iyo NFD illaa iyo maantana loogu noolyahay, Soomaali Galbeed waxaa ku noolaa Soomaali oo dhan laakiin waxaa u badnaa jufo ka mid ah Afweyne qabiilkiisi ee uu boqortooyada u raadinayey Ogaadeen oo waliba naas uu ka nuugay abtiyaal u ah, NFD na waxaa ku noolaa Soomaali isku dhaf ah qabiil gaar ahna aan farta lagu godi kareyn inuu halkaa u badanyahay intaasi waxaa sii dheer Soomaali Galbeed waxaa ku hareereysnaa dowlladii caalamka waligeed aan la gumeysan waa Itoobiya halka NFD ay af uun ku haysatay Kenya oo taagdareyd, waxaana xusid mudan Kenya markii ay aragtay Soomaaliya oo dowllad ah in markaasi ay sheegtay inay diyaar u tahay dhulka NFD in ay madaxbaneyneyso halka dadkaasi doonayaana ay la dooneyso, haddaba haddii arinku sidaa ahaa ood saday u kala koreysaa loo kala qaadaa weeyaane dhulkan NFD diyaarka ah maxaa inta loo dayacay Itoobiya oo caabboon gorradda loo geliyey taasii jawaabteeda haba ku daalin waa basiid waxaad isticmiishaa "Afweyne ayaa rabay in boqortooyo Daaroodiisam xoog badan uu ka dhiso min Jigjiga afaafka Hiiraan afaafka Xamar illaa Kismaanyo dekedda Koonfur Galbeed u tahay.

Haatan waxaanu ogaanay in Soomaaliya oo tamarteedu yadhahay socodbarad ah dano qabiil awgood xooggeeda loogu jabiyey dowllad muddo badan caalamka soo taagneyd laakiin su'aasha kaloo soo baxaysa ayaa ah dhiigyacab Afweyne waa maxay dhibka kale ee uu u geystay ummadda Soomaaliyeed ?

Tani ayaa ah weydiin warcelinteedu dheedhahay, intii dagaaladii qabiilka dartii Soomaaliya Itoobiya looga horgeeyey garwadeenku ka ahaa Afweyne waxaa iyadoo dadkii Soomaaliyeed raggii dagaal loo raafayo geddeeda uu isna soo gurayey reer abtiyaashiisa Ogaadeen isagoo Soomaali Galbeed intuu ka soo raro ku beerayey gobbollada Koonfureed qaasatan Hiiraan, SHabeellada DHexe, Muqdisho, iyo Lixda gobol ee Koonfur Galbeed Soomaaliya sida SHabeellaha Hoose, Jubbada DHexe, Baay, Jubbada Hoose, Bakool iyo Gedo taasoo danta laga lahaa ay ahayd in ay ku beermaan dhulka isla markaana ay ixtilaalaan aakhiritaanka si boqortooyada aan kor ku soo xusnay xoog ugu noqdaan.

Dadka magaca qaxoontiga loo baxshay ee laakiin Ogaadeenka kali ahaa laga soo daadgureyn jiray Soomaali Galbeed waxaa Afweyne uu sameeyey gawaadhi waaweyn cadcad isjiida kuwaasoo mid ka mid ah hayadaha qaxoontiga caalamka dalka joogtay uu ku qasbay in ay gacan ka geystaan soo qufidda reer abitiyaashiisa waxaana baabuurtaasi dheereeya Ogaadeenka wada ay socon jireen habeen oo qur ah maalintii maya.

Haatan mar kale waxaad fahamtay qaybta hore dhibta ninkani xaasidka ahaa uu u geystay ummadda Soomaaliyeed, waa koowe mar dagaal aan loo baahnayn ayuu gelshay Soomaaliadii sameyd, ta labaadna waxaa uu isku dul dulmiyey dadyow kala jinsiyad ah oo qaar ajaaniib ah daris aan ahaynbuu intuu qabiil dartii u soo raray dajiyey dad muwaadiniin Soomaaliyeed dhulkooda iyadoona dadkii dhulka lahaa uu u diray dagaal ka dhan ah kuwii uu soo raray dalkooda taasoo mar labaad iyo mar saddexaadba xadgudub weyn ku ah dhaqanka shareecadeena samaawiga ah ee suubban, Soomaalinimada iyo bani aadamnimaduba.

SHeekadu marka xaggaa ay marayso odagu xukunkiisu uu dheeraaday shacabka shiikh iyo shariif oo qoraxda taagan hoos isagoo ku jira sigaarkiisa uu baf iska leeyahay ixtiraam iyo dareen insaaninimo agtiisu ay ka fogyihiin markuu arkay dad doorasho maa la sameeyo leh maadaama dalka la oran jiray Jamhuuriyadda Dimoqoraaddiga Soomaaliya isla markiiba wuxuu bilaabay inuu hayb hayb u beegsado habeenkii siyaasiyinta uu is dhihi kareyey kuwaan waa khatar xeebta Jasiira uu ku cuno saqdii dhexe iyadoo ay xusid mudantahay in waqtigaas la sheegay in qabiil la aasay taasoo laakiin ahayd kutirikuteen aan waxba ka jirin qawda qaranka maqashii qabyaaladaadana iska qoosho.

Xiligaa iyada ah waxaa la arkay haween badan oo hangash ama asaay qarsoodi ku saartay iyo agoon fara badan oo aan la oran karin aqoon baad tihiin maxaa yeelay haddii aad tiraahdid cunuggani waa aqoon waxaa ku agtaagan NS ama dhar-cad kuwaasoo kugu odhanaya ma adigaa agoon ka dhigay cunugga aabbihii hawlgalbuuba jiraaye, waa calaamadihii saddexaad ee munaafiqnimada ugu weynaa kacaankii dhan kasta ku dhiigle Maxamed Siyaad Barre Afweyne laga dhamhiyey duruustaaso illaa iyo waqtil-xaadirkan ay siweyn casharadeedu uga socdaan gudaha dalka Soomaaliya.

Xaajjadu waxay socota oo ay sii socotaba Afweyne markii dambe dharka ayuu iska soo dhigay waxaa uu u fakaday xaggaa iyo gobollada dhexe waxaa shucuubtii gobolladaasi dagganaa uu ku billaabay xasuuq habaysan caalamku aanu arag indhahooda laga qariyey. dadkaa iyaga ah dhib waa loo dhameeyey waxaana wixii lagu sameeyey kuugu filan in ceelashii iyo baraagihii ay dhaansanayeen waraab dad iyo duunyaba dameero nool nool lagu riday sidaa ku baqtiyeen oo biyihiina la cabbi kari waayey halka ceelasha iyo gorofyada qaarna sun lagu shubay si wixii ka badbaada biyahooda ay si toos ah aakhiro ugu rawaxaan bilaa hadal.

Ciyaartu waa ay soo wareegatay waqtigaa isaga ah figta toogashada gish iyo gashtu waa ay ka socotaa goob walba oo Soomaaliya ka mid ah wixii aan Ogaadeen DHuulbahante iyo Mareexaan ahaynba hadday ahaan lahayd Muqdisha, Hiiraan, SHabeellaha, DHexe, Mudug, Galguduud, Somaliland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya, ka dar oo dibidhal xaajigu waxaa uu isugu yeeray culimaa'udiinkii Soomaaliweyn wuxuuna ku yiri "dhaxalka ragga iyo dumarka sow ma sinna", dhamaan "maya", culimadii diineed ee ku hadaaqdayna qoorta ayaa loo dheereeyey oo wax dhaaxaa kama fakan.


Waa folkaanadii ugu weyneyd bilowgeedi, odayga fooqaara arintuu faambiyey finiish iyo finaash markay geed walba u fuushay wuu ismahadshay muun istaagin waxaa cudduddii Soomaaliya oo dhan aan waxba ka dhinayn uu ku garaacay walaalayaga Waqooyi maanta loo yaqaan Somaliland kuwaasoo aan waxba galabsan balse ahaa dadkii xoriyadda intay nala sugeen kadibna iyagoon hal shuruud iyo jago ku xirin calankii Xamar keenay yiraahdeena Soomaaliya ha midowdo kuwaasoose abaalgudkooda Afweyne uga dhigay gumaca wiifleeya kaaraha gurguurta iyo diyaaradihii dabada oognaa rag haween caruur iyo cirroolaba asqeeyey taasoo dhalasay maanta in Somaliland ay kumaankun oo talaabo dib uga booddo midnimo Soomaaliyeed.

Si kastooy ahaataba Afweyne Siyaad Barre xaqii ayaa ka adkaaday dalka Soomaaliya isaga iyo haraadigiisii waa laga sifeeyey walow iskudaygiisii Labaad ee Garbahaaray uu iska soo amaamuday si awoodda uu ugu laabto uu xasuuq ba'an lama illaabaan ah uu ugu geystay shucuubta Lixda gobol Koonfur Galbeed Soomaaliya qaasatan dadka Maayga ku abtirsada kuwaasoo waxba aanu u reeban haba yaraatee wax ixsaan ah, wuxuu gubay daarahoodi, raggii ayuu laayey, dumarkii ayuu rasaasta ku aslay, qaar wuu umala dooxay, kufsi xisaab la'aan ah, caruurtii guriyaha ayuu ku gubay, dad noolnool baa indhaha uu ka saaray, qaar nolosha ayaa jirkooda xibin xibin uu u jarjaray qaarna iyagoo kaadir ah caafimaadkoodu taamyahaybuu xaniinyaha uu ka garaacay hablana naasaha ka jaray, xoolahooda nool iyo moodba wax ma uusan reebin 99% inta hadhayna dabka ayuu qabadsiiyey dukumdaakum dambas ayuu ka dhigay gaboodfalladaasoo dadyowga Digil iyo Mirifle Koonfur Galbeed dhaxalsiiyey durganwaa dabadheeraaday iyadoo deegamaadooda looguba magacdaray magaalooyinkii geerida.

Qubarada aadka ugu faallooda taariikhda iyo siyaasadda Soomaaliya waxaa ay leeyihiin maanta oo kale 21-ka Oktoobar waa qaranjab Soomaaliweyn waxaana haboon in ayaanta tan oo kale loo asteeyo maalintii qaranjabka Soomaaliya iyadoo si weyn loo xusaasanayo malaayiintii qof nuuc walba isugu jiray gacan af si walba u dhiigle Maxamed Siyaad barre Afweyne uu ku bireeyey sida ariga baldaamaha mandiqadda Soomaaliya min tuulo dagmo gobol ilaa caasimad maxaa wacay caynka maalintan waa lama ilaawan, waa maalin xasuuq, waa maalin murugo, waa maalin geesiyaal ay go'een waana maalintii Soomaaliya uu burburka dulliga millaalka iyo dullaalka dulmiga dawadiisu durugtay uu ku soo bilowday.


DHadigga iyo Laboodkay dheheen wax ismadhaamaan, sharci intii la dhaafay ay dheheen qoyskiiyaa dhigay, culimadii dhawaaqday dheheen toogashaa u dhigan wax kastaaba waa ay dhallan rogeen dhaqan iyo diinba. dhulka kii tabcaday dheheen aniga ii dhiib, nin dhaqaale helay dheheen dowlladuu u dhacay dhoofitaan iyo ganacsiyaa dhagaha loo jaray dhalanteed waxba noogama dhinayn iyo dhuuni qabatayn. Illaahay wuxuu noo dhahay ee dhigay kitaabkeena, culamdii ku dhaahaysay kii dhuunta wada gooyey, dhawaq jira sideedba u dhahdeen rag ugu dhibaateeyey Iblayskii haddii la iiga dhigay dhuunta iga haystay. Reer Koonfur Galbeedow markaan dhalashadiini xusa iyo dhaqankii naafoobay dhuuni raaca dhuudhuumanaaya yuu na dhiciseyn usha lagu dhufanaaya garan dhaliya maangaabe, xoolo kuma dhaqaalshaan inaad dhaban salaaxdaa aduunkuna dhaqaal waa u marti iyo dharaaro aad dhawrtaane war aduunyadu dhaqaaqdo lama kala dhamee ayaan walaaku isdhibaateyn. Xoolahan noo dhoobano aan ku dheefsaneyno ee dhayda laga maalo waa dhicis la huuriyey hadaanse dhicis la korin aan dhamays nooga dhalaneyne, dadka meesha wada dhooban ee kala dhib sheeganaaya waa dhallaan agoontoobay ee kaalmo loo dhuray ama dhiibi soo baanatoo xaasid dhaawacay. Dadka dhaqanka xoolaad yaqaan ama ku dheeraaya maahmaahda waxay dhihi jireen "Dhawaq kor u yiilley nin dhaqaalxumaan jiray ma loo dhoorocaddaan dhimashana wax kama soo haraan kuna dhamaadeene". inta dhiman dhaxdoo laga qabtiyo dhaqaale loo raadsho.Hasha dhaysa eedhoolka weyn lagu dhaqaaleeyey ee dhurwaaga laga raacay iyo tuugga dhacaaya ee dhawaansho loo soo xiray dhaydu ka carfayso ka dhaxayso dhaqamadaa iyo dhaqankii Koonfureed midka dhabiga kala dabadhankaxay oo ay kala dhali weydey inuu dhayda kaligii ka dhamo dhaadanka u qaatay dhimashada iyo dhaawacana looga dhigay sabab dhibkii dhacay dhamaan waad wada ogtihiine dhal iyo waayeelow dhaqamadii Afweyne iyo wixii dhacay waa dhaliil qoran !!


By: Ustad Adam Increase
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.