Inta Daawatay: 4001
  Sunday February 05, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Degmada Go'doonsan ee Qansaxdheere ee Gobolka Bay ayaa waxa ka jira Abaar iyo biyo La'aan Baahsan, iyadoo aysan jirin ilaa iyo iminka Hay'ado Samafal ah iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed aysan wax ka qaban Xaalada Murugsan ee a taagan Degmadaas.


Bashiir Ibrahim Aaden (Bashiir Ganay) Oo Ka mid ah Mudanayaasha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya kana Soojeeda Degmadaas ayaa booqasho ku tagay isla markaana ku soo arkey xaalado adag oo dhanka noolasha ah oo hayasta dadka degaanka.

Sidoo kale waxa uu arkey Ceel Barakow oo ahaa Ceel Matoorkii biyaha siin jirey Degmadaas oo burbur Xoogan ka muuqdo oo aan weli dayactitir lagu sameeynin' ka dib markii ay burburiyeen Ururka Al shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta oo Gu’doon ku haysa degmadaas mudo ku siman labo sano iyo bar.

Wuxuu dhaliil Xoogan u u jeediyey Hay'adaha Samafalka oo uu sheegey in indhaha ay ka labaabteen wax ka qabashada Xaaladaha Bini'aadanimo Ee ka ka taagan Degmada Qansaxdheere Ee Gobolka Bay,isagoona Sidoo kale Hoosta Ka Xariiqay in Hay’adaha qaar Ee ka Howlgala Gobolka Bay ay u shaqeeyaan qaab qabyaaladeysan.

Dhinac kale Dadka Degaanka ayaa waxay si iskooda ah ay u habeen Garoonka Diyaaraha Degmadaas oo ay ka degi karaan Diyaar waa weyn.

Ugu dambeyntii, Gudiga Abaaraha Koonfur Galbeed iyo Hay'adaha Samafalka ayaa ugu baaqay in si deg deg ah ugu gurmadaan dad badan oo ku rafaadsan Gudaha Degmadaasi.

Halkan Ka Daawo Sawiro Laga Soo Qaadey Qansaxdheere,Gobolka Bay


COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.