Inta Daawatay: 1899
  Sunday January 29, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Maxamed Cabdullaahi Nuur Garguurte oo ka mid ahaa musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya, inkasta oo uusan si rasmi ah isku diiwaan gelin, ayaa ku dhawaaqay inuu ka haray tartanka oo uu tanaasauly.


Warsaxaafadeed uu soo saaray oo lasoo gaarsiiyey BANA ayuu Garguurte ku sheegay in go’aankan uu gaaray kadib wada-hadallo uu shalay magaalada Nairobi kula yeeshay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo isna ah musharax kale.

Waxa uu sheegay inuu taageeradiisa ku biirinayo Shariifka, isaga oo sheegay “In Shariif uu yahay ninka kaliya ee dib usoo celin kara xasiloonida dalka Soomaaliya”

Musharaxiin badan ayaa la filayaa inay tanaasul ku dhawaaqaan, maadaama kuwa rajada yar ay adag tahay inay bixiyaan 30,000 oo dollar, oo ay ogyihiin inay meel cidlo ah ku baxeyso maadaama ay gaaban tahay rajadooda.

Maxamed Cabdullahi Garguurte oo ah Musharaxa Tanaasulay ayaa Tartan U horey Ugu galayKursiga Xildhibaan eeBeesha Agoon XawaadleDoorasho Jowhar ka dhacday ku haray Wareegi Koowaad isaga oo Tartan la galay Sadax musharax oo kala ahaay C/hi Goodax Barre, Bile iidle Sabriyen iyo General Muqtaar Xuseen Afrax ayado Ugu Danbeyn kursigaasi u helay Cabdullahi Goodax Bare.

BY Nuur Ismail Sheikh

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.