Inta Daawatay: 2087
  Monday January 23, 2017 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Abaar daran bay ahayd nabaad iyo doog midh jiscin u noqota nooluhu miriqdooda aan dhulka laga helin, xaaladdu kolkay adkaatay dadku deegaan deegaan hadba siday dantoodu isugu xirantahay nooligoodu ku soo dhacsan karaan ayay sida dun iyo irbad isugu nudmeen waxaana heshiis lagu gaaray bacdama Soomaalidu xoolodhaqato tahay inay tuulada dadyowga daggani ay xatooyo nool ku noolaadaan ayago sida gabraarta u guuraynaya gudcurka una dhacaya reera kalo xoolahoodu waabka u xireenooy quurinayaan.


Nin la dhihi jiray Suufi Sunni waxaa uu ka mid ahaa dadka deegaanka daggan laakiin aanu xatooyadu aadin mar walbaana neefkii la keeno la qasho tuulado dhami way qaybsan jirtay suufigana waxbaa la siin jiray qaybta dadka saami ahaan lagama reebi jirin.


Neefka la soo boolshay goortii la keeno oo la qalo waxaa haragga ama maqaarkiisa lagu hoos qarin jiray dhagax wayn oo bartamaha tuulada ku yaal dhagaxaaso galbihii la isugu yimaado lagu kala warqaato oo ay martiduna fariistaan.


Dadka tuulada daggani waxaa ay isku dhaarsadeen in lacala haddii raadraac neefka raadinaya ay yimaadaan inaan marnaba waxba looga sheegin raqda ay ku joogaan, balse Suufi Sunni mar kastooy dad ku raadjooga neefkii ay qasheen yimaadaan si fudud ayuu ugu sheegi jiray isagoo fudayd dartii uu is halmaamaya waana laga magan jiray dadka tuulada neefkii ay horaan u soo xadeenooy hilbihiisi cuneen, balse waxaaso fashil ah marar badan iska soo dabanoqnoqdeen uu sabab u ahaa suufigu waxaa go'aan lagu gaaray in Suufi Sunni hadda kadib neefkii la soo xada aan hilibka wax laga siin ama ha sheego ama yuusan sheegin yeelkadii.
Arrintaasi kolkii ay dhacday Suufi Sunni waa uu tuugtamay heer uu xitaa uu ooyo ayuu gaaray in hilibka aan laga qadin, waxaana uu ballan qaaday inuusan mar dambe sheegi doonin neefkii la soo xaday raqdiisa isagoona shuruud ka dhigtay in kolka ama tookada soo socota looga dhigo tijaabadiisi ugu dambaysay ee ah inuu sheegayo iyo in kale neefka la soo xaday, waana laga yeelay taa wadaadku.


Maalintii ugu dambaysay neef baa la soo xaday calooshaana lagu hubsaday hilibkiisi oo waa la cunay waxaana hashii haraggeeda lagu hoos duugay dhagaxii waynaa tuulada dhex yiil, goor galab ahna maalmo dabadeed waxaa tuuladii soo istaagay dadkii hasha iska lahaa oo siday u soo raadgurayeen saantu keentay tuulada gudaheeda, waxaa ay isugu yeereen dadkii tuulada waxayna waydiisteen hashoodi iyago ku dul fadhiya dhagaxii waynaa, Suufi Sunni waa uu taaganyahay dadka safan ayuuna qayb ka yahay, dooddii oo socota maynan arag iyo adinkaa qaba, intuu cabbaar dhinacyada fiirfiirshay is hayn waayay kala badbatay buu hal mar wuxuu yiri "haye, haye, hadhow bay i dhihi rabaan Suufi Suuni baa sheegay, hasha maqaarkeeda dhagaxa uu ku duuganyahay ma annigaa dhahay nimanka ku dul fariista, haye", haatana waa sidiiye, Aadanaa sheegay i dhihi rabaan, abaarto taagan shacabko dhamaanaya madaxda iyo Xildhibaanada inay Muqdisho isaga tuntaan oo walibana qaar la isku xaman jiray habeen isu soo dhuudhuuman jiray inay fashilmaan markuu shuban ku dhacay kaliya la ogaaday iyago isla jiifa nin iyo naagba ma annigaa sheegay.


Abaarta saamaysay sal iyo baar dalkeena dadkeena iyo duunyada nool runtii waa mid Rabbaani ah inkastoo sababteeda aysan sinaba ugaga lug bixi karin eedda inay dhabarka u ritaan dhamaan siyaasiyinta horboodaya siyaasadda waddanka kuwaasoo xabadka u gargaraacday inay qaadanayaan masuuliyadda shacbiga kana warqabayaan xaalad kasta dadka ay u dooranyihiin gaajo iyo haraad baraare iyo bashbashba, laakiin waayuhu wuxuu na baray tagtadaan u soo joognay wax ka duwan waxa ay afka ka sheegaan inay falaan masuuliyintu kolka ay xilka u hormoonyihiin.


Tusaale haddii aan u soo qaadano madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud markii uu xildoonku ahaa xilka uu ku guulaystay uuna xilka kala wareegayay Ex-madaxweyne Shariif Shiikh Axmed waxaa uu ballanqaaday in muwaadiniinta Soomaaliyeed noloshooda iyo masaariifta ama biilkoodu uu qoys qoys uga warqabi doono, laakiin ballantaasi culus markii ugu dambaysay maxaa iska baddalay?


Sida aan wada ogsoonahay intiini xiligaasi caananuugnimada ka waynaa, waxaad la socotaan in 6 bilood kadib xilhaynta madaxweyne Xasan Maxamuud uu guri aad u wayn uu ka iibsaday dalka aan walaalaha nahay ee Turkiya, aqalkaaso uu kala baxay lacag ka badan 900 kun lacagta Mareykanka taaso dhadhawaynaysa halka malyan, su'aasha iswaydiinta leh se waxay tahay, madaxweynuhu lacagtaasi xaggee buu ka keenay, muxuuse gurigaasi uu u iibsan waayay kahor intuusan madaxweyne ka noqon dalka Soomaaliya?


Qodobka labaad rafaadka taagan abaartan awal ku dhufatay gobollada waqooyi aakhirkana u soo fidday goboolada Koonfureed iyo shubankan laayaanka ah horaantiisi ka dillaacay degmada Jowhar ugu dambayntii u talaabay dhulwaynaha Koonfurta Soomaaliya dhulka webiyada madaxweyne Xasan Shiikh maxaa ugu qorshaysan isaga iyo atbaacdiisi, mise waa isagii 90 malyano Doollar loobin doorasho gelinayee, ma waanay xaqdaro ahayn in lacagtaasi tirada badan laaluush kursi lagu baxsho iyadoo dadweynihii Soomaaliyeedna haraad dartii biyo la'aan ay u la'anayaan?


Haddaan u soo noqono Koonfurta Soomaaliya sanadkan waxaa ka soo galay xildhibaanada ugu badan maamul goboleedyada Federaalka Soomaaliya, meelaha abaaraha biyo la'aanta iyo shubanku bahgooynayaan xiligan waa Koonfurta oo ay ka soo galeen, midda maanta ka taagan sida Bakool iyo Baay wax la sawiri karayo ma ahan, waxaa lagu tilmaami karayaa waa halaag, maalin waliba waxaa oon iyo shuban dartooda u dhimanaya in ka badan 20 ruux, xoolihii way go'een dadkiibaaba Aaakhiro u safan, marka laga reebo 1 xildhibaan lagu magacaaboIdiris Cabdi Takhtaroo dhex taagan habeen iyo maalinba u ola-olaynaya samatabixinta dadka mooyaane inta kale uu Jawaari u waynyahay waxay iska dhex fadhiyaan kuna raaxaysanayaan hudheelada Muqdisho waxayna iska daliiqayaan dhayllada iyagoona ka daaqaya labada af iyada oo dadkoodu dhamaanaya waxba dantoodu aanay ahayn waana calooshada la cayaaro ka caqli xun Dodi Alfayet-kii Arbaceed ee Diana gabadhii Ingiriis shilka kula galay magaalada Paris ee dalka Faransiiska
Eeyahaasi xildhibaanada Koonfurta ka soo jeeda araaddishaasi lug inay geeyaan iskaba dhaaf meelaha ay u dhasheen haatan dhibaatada ka taagtaagantahay xitaa badankood tilifoon uma diraan mana ka qabtaan halka dhibtu ay ka jirto ooy abaaruhu saameeyeen, bal waxaa kumaan jeer kaga war roon aqoonyahanada xilka aan dalka ka hayn dibadda ku nool sidaDr Amaandhooreyoo ah madaxa guud warbaahinta Koonfurta Soomaaliya oo runtii si dareen leh damqasho iyo dadnimo ku beerantahay saacad saacad ula xiriiraya gudaha dalkii abaabulo farabadana adduunka ka wada ku qotoma sidii loogu gargaari lahaa ummaddeenan musiibada ku habsatay.


War dhuuso fakatay daba ku boodbood tolow maxay taraysaa, ummadda kolkay go'do oohin iyo tacsi maxay tarayaan, iilka miyaa la isgargaarayaa oo aboorka la iska jafayaa, sow Illaahay nama oran hoos isaga naxariista anna goortaasaan kor idiin kaga soo naxariisanayaa, dadow maxaa idin ka si ah, war waa kuwaasi dadkan kuwii madaxda u ahaa Xamar isaga dhaqlaynayaan waxba shaqadooda aan ahayn shalayna sidaan qornay markay xildoonka ahaayeen ay Baydhabo sidii xaramka oo kale isugu shubayeen si mar uun kursi u soo helaan.


Qormadeena hore bilooyin kahor waxaanu ku sheegnay in siyaasiyinta iyo xildhibaanada Baydhabo haatan u ordaya baritoole kolkay xilka helaanooy ku guulaystaan inay shacbiga hadda ay codka ka tuugayaan hadhow ay u yimaadaan oo wax u qabtaan daayo, ayWAJI BUTTANAula soo bixi doonaan sharramuuto falkeed kii shalay koray aan aqoon bari.Kii ugu madaxawaynaa dadkan akaabirkii Shariif Xasan waa kaa guryo iska dhisanaya oo kaliya hal maalin waliba isago muxsiniin ajnabi la socda masaakiintii isku soo sawiray sida la hubana aanu ku talagalkiisi ahayn caadiyan inuu danyarta kaamamka uu booqbooqdo badanaa.
Haddaba xaalku markuu sidaa yahay kalaabiinta xildhibaanada dadkan matala Muqdisho dangiiga dhagaha waawayn mujrimiinta wada bararay duf ku baxayaasha maxaa ka hor taagan una diiddan inay mar uun damqadaan dhaqaaqaanooy dadkoodu dhex tagaan dhibtana la qaybsadaan sida Xildhibaan Idiris Cabdi Takhtar oo runtii fadhiba diiday halkudhiggiisuna yahay sidaan aragnay "ama gabar uu wadaad dhalay wacan ii aroostaan wahaabkaa i saarani wanaagga iyo raaxada wax ku dagaya ma aha, intay waaxyahaygii waddankaygii ummaddaydii waraab helinoon waraab heleyaan".


"Buuraan buuran caga ballaaran ninna ma ahan naagna ma ahan waa naannabad is nacday", murti raagtaa tiri, xaqiiqna taasaa macaquul ah, abwaan Jiinkeey ayaana sii raacsaday "wal dadny ing haayne dadny ingnag,duuy'y ing haaynee duuy'y ing nag", intaaso dhamina waxaa ku sifaysan xildhibaanada nimow-naageedyada ah afka qalaad eray kooba horay ugu sameeyayWOMANISHkintirow dhexyaal u nasab sheegta nasabna ma ahane wuxu gudaha ka qooyan gendaal lagu hayo laguna halmaamay mambaraanahooda ee Koonfurta kuwaaso asalka gabi ahaanba asaagooda dhiigga iyo dheecaanka bulshadooda u naabulaya dushaasi sarana ka daawanaya marastooda daaduuntay abaaruhu ay dhogorbaddaleen.


Miyey gunteenu dhulkii goomaaran gabi maanta nool yihiin geeri weeye caydhuye sow tan laysay gaajadu, dadweynow ogow haddii kilaabtii madaxda sheegatay sidaasi noqdeen xitaa diiday inay siyaartaan dadyowgooda dhamaanaya maxaa nala gudboon inaan ku dhaqaaqno, haddii maanta ama caawa firinjeerka adiga iyo caruurtaada uu idin ka buuxo ice-cream-ka jallaatada nuucyadeeda kala duwan xili Allaale waqtigaad rabtaan aad la soo baxaysaanood cunaysaan, ama biyaha tuubada aydan faan u cabbin aad kuwa mooysaxada caagagga kifaax iyo raynrayn u cabtaan cunada kala nuuc chicken digaag iyo cake bariis iyo baasto qudaartu u dheertahay ayna arsaaqadda ku hareer dhoobantahay, sow ma ogid in ay jiraan gudaha dalkaagi caruur waayeel dhallooy dumar dhabarka ilmo ku sidda oo haraad iyo gaajo ay soo waarideen shuban u baqtinayaan, mase ogtahay in booyad biya ah waraabin kadha boqolaal ruux ay qiimaheedu joogto 50 Doollar taaso lagu badbaadin karo insaan nool oo adiga kula walaal ah misna beerkaagi ah.
Sida aan culimada ku xeeldheer diinta Islaamka mufasiriinta loogu haaraangalo fasiraadda cilmiga samaawugi ka maqalnay, waxaa jirta suurad ka mid ah suuradaha Illaahay oo aayad ka mid ah aayaadkeedu gooddi adag inoogu sugnaaday waciidkaaso ah "waa la idin waydiin doonaa maalintii la idiin nimceeyay", nimcadu mufasiriintu waxay ku tilmaamayaan xitaa kabasho biya ah haddaad haysatid waa lagula leeyahay waxaana kula leh walaalkaaga ama walaashaada kaa liita aan isagu ama iyadu inta aad haysataba aan haysan.


Sido kale diinteena macaanida badan ku hagaagsan qaabaalka nolosha dunidan noona sii gogolxaaraysa isu diyaarinteena nolosha dhabta ah ee dambe, waxaan ka baranaynaa in naag saaniyad ahayd jirkeeda ka ganacsan jirtay ay kaliya ku mutaysatay gelitaanka Jannada eey oomman oo ay waraabisay, taasoo laga qaadanayo dad iyo duunyo gaal iyo Islaamba ruuxii beer qoyan quudaya ama waraabsha inuu Janno ku mutaysan karayo idamka Illaah.


Ugu dambayntii Soomaalidu waxay ku maah maahdaa "wacdi wadaad wax i sii baa u dambaysay", haatan macnuhu gunta qomadeenu waa inaynu dhamaanteena si hufan karti sharaf iyo iqlaas leh waddaninmo ay ku jidho aynu ugu istaagnaa badbaadinta ummaddeena ku hafanaya mowjadaha biya la'aanta dhulka ommoska iyo shuban biyoodka ay siyaasiyinta iyo xildhibaanada faajiriinta ahi korkaasi sare ka daawanayaan aadna mooddoaba kolkaad u kuurgasho hab dhaqandhaqankooda doofaarnimada nuuxsi la'aantta inayba ku raaxaysanayaan dhamaanshiyaha dadkooda maalin kasta darsin darsinka loo duugayo oon baahi iyo shuban biyood dartooda.


Xildhibaanoow hadday hoostaadu fayowdahay aan xumbo laga keenin xilkasxumadaadi xaaraaminimadaadan xigtadaado haraad hinganayso loo xabaalayo xariifkii xiiqda kugu riday xarkaha kugu xirxiray xaarkana kaa keenay horaantii kuma labaxagleyseen Xamar adna haddaan xaniinyaha lagaa tumin hiiradka habeenkii hortii.


Sabuul sanku keen ah iyo sac sagaal bilood jooga dhexdooda saqraarinaana ku jidhaxaqiiiq !!


By Adam Increase

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.