Inta Daawatay: 2412
  Thursday November 24, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Haddaan ku furfurano sideedaba edebdarada ugu wayn Soomaaliya ka jidha dadkeenuna qaarkood lagu soo abaabshay waxaa ka mid ah inay yiraahdaan Soomaalida marka laga hadlayo MAAY IYO MAXAATIRI, arrintaaso gefwayn ku ah kala badh oo badh ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa kulaala dhulka webiyadu bulaalaan ee Koonfurta Soomaaliya.


Hadal raagay baa yiri "dhaanxumo kuu dhaanin maayaa ka roon", yacnii magaca siman sinaanshihiisi habkii loogu dhawaaqi lahaa qofkii isago og kuu siyaasadeeyay miskexiyan si aan sinayn ereyadii magaca soo yaalka Soomaali ku sinayd ugu dhawaaqay, haddaa kaa waxaa ka roon inuusanba afkiisan kaaga nijaasayn ereygaaga aad magac ahaan u sidato.

Caddaalad-darada Soomaaliya heerka ay ka gaadhaybaa ah in ay ka shanqariyaanMAAY IYO MAXAATIRI, mana aha wax la ogool karayo taa, waxaana kaaga sii daran in waxmagarato ka tirsan dadka Maayga u nasab sheegta sidii loogu shubayay maalin walba loogu afuufayay isla ayagii ugaasyadooda iyo siyaasiyintooda xitaa badi in lagu arkayo ayago la soo taagmaba fagaarayaasha furanMAAYIYOMAXAATIRI.

Wax sinaba loo qaadan karo ma aha inay xarfuhu tiro isdheeraadaan, macnaha ereygaMAAYwaa su'aal sameeye wuxuuna u taaganyahay kolka afka qalaad lagu fasiro Ingiriisiga(WHAT?)oo ka la Af-Soomaaligi noonayoMAXA, halkaTIRI-na marka dhiggiisi afkan la macneeyo noqonaysaERTIka qalaadna uu ku noqonayo(SAID).

Haddaba qofka Soomaaligi inta badan kolkaad dhugatood dhaguugto goorta uu ka hadlayo Soomaaliya iyo Soomaalida inuu ka shanqariyo Tusaala ahaan:-

waxaa halkan isku qabsaday qolyoMAAYiyoMAXAATIRI, bal mararka qaar dadka cudurka qaba necbaanshiyihi ku fogaadaye jiran inay yiraahdaan "dad Af-Soomaali ku hadlaya iyo kuwo Maay ku hadlayaa meeshan ku dagaalamay". taaso ka dhigan fariinta dadban oo ay bixinaysaa ay tahay inuusan Maayga iyo waxa ku hadlaba aanay Soomaali ahayn sidoodaba.

Miisaan siman waxaa ah kolka la doonayo in boogaha la dabiibo erayada labadan af kolka lagu dhawaaqayo kahor laga fiirsado xarfahana la tirsho ooy xarfuhu sinaadaan aanu midna midka kale sumuni dheeraan qoraal iyo dhawaaq ahaan intuba, waa in la yiraahdaa haddii dawada durugtay Soomaaliya la doonayo in degdeg loo heloMAAYkolka4xarafyahay qorlaakiisiMAXA-na mid la eg een aan la oranMAXAAtira dheere wax muujinaya, intaa waxaa sii dheer, haddiiMAXATIRIla yiraahdana waa in iyana dhanka kale loo dhigaaMAAYERTIsababtuna waa Maay waxaa la macna ah una dhigmaMAXA,TIRINA(ERTI).

Mar haddii sidaasi aanu wada fahamnay annago og hadaan niraahnoMAAYIYOMAXAATIRI, runtii waa gardaro cado wayn iyo xadgudub mudan ciiddii xadka soo dhaaftay in gacan adag la isagaga qabto lana baro carrabkiisaas xaqa iyo waxad tahayba, si doqonta iyo naanaabyada kuugu aftirin wasaqdooda, maxaa yeelay oraah caanbaxday Soomaaliyeedbaa waxay ku hadaaqaysaa xaaladdan oo kale kolkay joogto "lax waliba meeshay ayadu isdhigtaa lagu qalaa uun".

Haddaan intaasi idin ka xaqabtirnay haatan Warbaahinta Koonfurta Soomaaliya afka qalaadna loo yaqaanSouthernMediaCo-Operationoo marka magaceeda la soogaabiyo noqonayaSMChad iyo goor u taagan u adeegidda ummadda Soomaaliyeed meel walbooy daafaha dunidu ka joogaan, waxaa ay idiin soo gudbinaysaa ereyada iskudhawaqa ah lahjadaha Maayga iyo Maxaga afkeena Soomaaliga ah laakiin macnahoogu kala duwan yihiin goorta lagu dhawaaqayo ereyadooso ismaandhaaf dhanka fahamka ku abuuri kara dadka Maay iyo Maxaga marka ay wada hadlayaan waxaana ereyadaasoon aadka u badnayn idam Alle aynu xiligan ka soo qaadanaynaa qaybahan hoos ku xusan>

Habar seedi weel solool dooro haruub gaal soor qaar duul aay hoog bil ba Amal good gur gal tuke tiil toori jar dir tiif eel sheeg oog hoor haar hog har fasal weer waar kar kab eer dano ibeer ay luuf riig.

Habar dadka ku hadla Af-Soomaaliga Maaygu waxay u yaqaanaan afada ama oorida xaaska la qabo, halka dadyowga ku hadla Af-Soomaaliga Maxagu u garanayaan hooyo. Seedi dadyowga Maaygi waxay u garanayaan ficil tagey oo asal ahaan ka yimid tagid, halka dadka ku warama lahjadda Maxaguna u yaqaanaan seedi xaaska aad qabto walaalkeed ama ilmahaaga abtigood. Weel ummadda lagu soo barbaarshay laguna afriday Af-Soomaaliga Maaygu waxay u garanayaan mar ilmaha la dhalay waalidka loo yahay marna weesha yar cunugta sacda, halka bulshada lagu soo kobciyay Af-Soomaali Maxaguna u fahmayaan weel ka cunooyinka iyo dareerayaasha lagu rito. Solool shucuubta Maaygu waxay u taqaan hilibka qaas ahaan sida xarigga jarmadiisi loo dheereeyay, halka shacbiga Maxagu u yaqaanaan daangada bacbaclayda ah. Dooro dadka Maayga ku soo caanamaalay waxay u garanayaan digaagadda naalada ama ukunta dhasha, halka dadyowyga Maxaguna ku macneeyaan baajada ama buuryada qofka waa ta ka laalaadda rag iyo dumarba xubinta taranka kahor intaan la gudin. haruub Maaygu wuxuu u yaqaan furka ama daboolka haamaha jarigaanada iyo dhiilaha iyo waliba wixii soo raaca, halka Maxaguna u garanayo gaawaha ama tuubtaha ameelka caanaha lagu listo. Gaal dadka ku faana Af-Soomaaliga Maayertiga waxaa ay u yaqaanaan xoolaha geela la dhaqdo, halka dadka ku haasaawa Af-Soomaali Maxaatirigu u macna dhaco gaal qof ka baxay milladda Islaamka aanu muslim ahayn. Soor Maayerti qofka ku hadla wuxuu u fahmaa kaliya raashiinka laga sameeyo daqiiqd sida galleyda masagada iyo sareenta ama qamadiga, halka Maxaatiri shaqsiga ku caweeyayna uu u bidhaan ogaanayo soor inay tahay wax Allaaliyo wixii arsaaqado afka la gelsho gaajadana kaa caabbiya. Qaar Maaygu uu u yaqaan meelaha lagu xareeyo weylaha yaryarka ee xoolaha sida lo'da, halka Maxaguna u garanayo qaar qayb ka tirsan dad iyo duunyo iyo xitaa shay iyo dhulba. Duul Maaygu wuu u garanayaa koox xaywaano ama dad jin iyo insi iyo xitaa malaa'ig, halka Maxaguna u fahmayo duul biibid. Aay Maay waa u hooyo, halka Maxaguna la macna yahay eeddo gaar ahaan waliba midda aabbaha la dhalatay. Hoog Maay waa u xoog muruq iyo awood ku marin, halka Maxa uu yahay hoog ba' iyo halaag baaba'. Bil Maaygu waa u hagaajin, halka Maxagu u yahay soo jeedin aargoosasho. Ba Maaygu wuxuu ula macna yahay tag oo soco, halka Maxagu u yahay ayaandaro ama nasiibxumo iyo go'. Amal Maaygu waa camalka la qabto, halka Maxagu yahay hiigsi iyo yool. Good Maaygu waa dhar dhamaad ah, halka Maxagu ka yahay bahal. Gal Maaygu wuxuu u garanayaa guri ama goob dhisano la galo, halka Maxagu u garanayo meel kamid ah dhulka. Tuke Maaygu wuxuu u yaqaan dabagaalle, halka Maxaguna u garanayo shimbirwayno haado halis ah. Tiil dadka ku hadla Af-Soomaaliga asalka Maayga waxay u garanayaan tamar ama awood, halka dadyowga ku bohoobay lahjadda Maxaguna u yaqaanaan tiil ficil tagey tusaale:- wax meel horay u yiil. Toori ummamka u nasabka sheegta Af-Soomaaliga Maaygu waxay u garanayaan ficil tagey horaan u dhacayo la sameeyay sida caano iyo biyo iyo sonkor iyo subag la isku dardaray iyo dhamaan wixii kala shayo la isku laaqo, halka shacabka lahjadda Maxaga ku hadlaana u fahmayaan toori middida midda ka soo dabadhow ee wax lagu gooyo sida golxob. Jar ereygaa Maaygu wuxuu u yaqaan shaxda la cayaaro mid kaa Maxaguna u yaqaan halis haadaan iyo hog ah. Dir Maaygu waa u koox, halka Maxaguna tusinayo macnahaan dir inuu yahay qof ama shay meel loo adeejinayo. Tiif Maaygu waa u dambiil, halka Maxaguna u yahay tiif wax soo xirmay. Eel Maaygu waa u ceel goobta biyaha laga cabbo, halka Maxaguna u yaqaan eel ceebwayn mahadho sida ayax tag eelna reeb. Sheeg ereygani Maayggu wuxuu u fahmayaa qofka mufasirka diinta sharaxa Shiikh, halka Maxaguna u yaqaan ficil amar ah waydiin la doonayo inaad adigu ka jawaabtid tusaale sheeg ninkii dilay Maxamed Cabdulle Xasan kagadaal kolkii Sayid Geeddibaabow uu ka soo bursaday magaalada Buur-Hakaba. Hoor dadka Maayga ku hadlaa waxay ku macneeyaan inuu yahay kiro dhul sida dhulbeereedka, halka dadka Maxagina u yaqaanaan waxyaabaha dareeraha ah. Oog bulshawaynta lagu tiriyo inay tahay kala badh oo badh dadweynaha Soomaaliyeed kuna hadasha Af-Soomaaliga Maayga waxay u garanayaan ereygaasi inuu yahay holaca dabka, halka dhiggooda dadka ku hadla Af-Soomaaliga Maxaguna u yaqaanaan ku soo jeedin sida Cabdiqaybdiid kolkuu Yurub tagey 2006-dii dacwadbaa lagu soo oogay, ama hebel meelahaasu joogay. Haar Maaygu waxay u garanayaan saxar ama wasaqda dadka iyo xooluhuba dabadoodu ka timaado, halka Maxaguna u yaqaan dhawaqa ama riinka ay sameeyaan dadka lamaanaha ahi kolka ay raaxaysanayaan, ama qofka cadaab kulul uu ku dhexjiro. Hog Maaygu waa u xog warbixino hooso, halka Maxaguna u fahmayo god dheer. Fasal Maaygu wuxuu u yaqan shintirsi sida xiliyada beeruhu soo go'ayaan, halka Maxaguna u garanayo qura goobta waxbarashada. Weer Maayerti dadkiisi waxay u garanayaan yeeridda ama wacaalka wicitaanka qof ama xoolo la waco, halka Maxatiriduna u taqaan bahal dhurwaa yaro laayaan u ah xoolaha. Waar Maaygu waa u orgi yar, halka Maxaguna u fahmayo raagid. Kar shucuubta ku hadasha Afka hodanka Maayga Soomaaliyeed waxay u garanayaan hubka ama dharka la guntado lagu labisto, halka bulshada ku waranta Afka-Soomaaliga Maxagi u taqaan kar kul ama kulayl. Kab Maygu waa u nud, halka Maxaguna uuba u yahay mid ka mid ah kabaha la xidho. Eer shacabwaynaha Maayga Soomaaliyeed kulaala Koonfurta Soomaaliya dhulka barwaaqada wayn leh waxay u garanayaan mid ka mid ah qabii'ilada Soomaaliyeed jufadiisi la yiraahdo Cayr, halka Maxaguna u yaqaan ereyga eer khayaano. Ay Maaygu wuxuu u yaqaan siriq, halka Maxaguna u yaqaan ay meeleeye naxwaha kolka la baaro dhanka qalaad noqonayaProposition of direction. Dano ereygaasi Maayga waa mid ka mid ah geedaha dhecaankiisu cadyahay sida koollada loo isticmaalo islamarkaana khatar ku ah indhaha, halka Maxaguna u garanayo dano wax qofku kaga xiranyihiin qaab nololeedkii. Ibeer Maaxgu waa dhar la gashto sida cambuur, halka Maxagu u yahay ibeer wax qofka lagu beero sida jacayl I.W.M. Luuf Maaygu wuxuu la macna yahay halka ugu koreysa geed ama dhismaha daaraha iyo wixii la halmaala, halka Maxaguna u macna dhigo tabcaanimo qayirmid iyo wixii la mid ah. Riig, dadyowga Af-Soomaaliga rasmiga ku hadla Maayga waxay u garanayaan jajabin ama qarbudaad, halka ummadda ku shanqarta lahjadda Af-Soomaali Maxaguna ay u yaqaanaan riig mashiinka iyo gaarigii iswata ee lagu daloolsho ceelasha biyaha xiliyada ceel qudista.

Goolyaxaas ku qaadyaa iyo gaari kula gadoonyaaba Soomaaliyeey geeri maa dheer gu'gan !!

By: Ustad Adam

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.