Inta Daawatay: 1868
  Tuesday November 15, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Xildhibaan asalkiisu Carab yahay katirsan baarlamaanka Isra'il ayaa ka dhex aadaamay fadhi ay lahaayeen Baarlamaanka Israa'il, kadib markii uu ka carooday go'aamo kasoo baxay Xukuumada uu hogaamiyo Ra'isul Wasaare Benjamin Netanyahu.

Mudanahan oo lagu Magacaabo Axmed Dayib ayaa xili uu khudbad jeedinayay kagana hadlayay Sharci cusub oo Xukuumada Isra'il ku so rogtay masaajida ayaa mar qura bilaabay in uu aadaamo isaga oo Mikarafoonka heesta.

Xildhibaanada Baarlamaanka fadhiyay qaarkood ayaana la yaabay Mudanahan geesinimada badan muujiyay una hiilinayay diinta Islaamka iyo dadka uu matalo kana soo horjeeday sharciyada cusub ee lagu soo rogayo gobaha cibaada gaar ahaan Masaajida.

Waxa uu si kulul u cambaareeyay Xildhibaankan Ra'isul Wasaaraha Israa'il, waxa uuna tilmaamay in uu fashilmi doono isku day kasta uu wato Ra'isul Wasaaraha uuna wax ugu dhimayo diinta Islaamka, isagoona cadeeyay in Xukuumada Israa'il wado olole Islaam naceb ah.


Taabo Halkaan Si Aad U Daawattid Waxa ka Dhacay Fadhiga Baarlamaanka Israel

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.