Inta Daawatay: 2092
  Saturday October 15, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Warbaahinta Arlaadi:


Inkastooy diinka iyo shimbarka duula haadka baalka leh ay u simanyihiin calafku haddana marnaba lagama saari karayo xisaabta in dadaal la isdheeryahay la iskuna dhaafay sida lagu arkay taariikda dunidu cibarka intaan u joognay nolosha waayuhu. Drs Isra Cabdullaahi Ibraahin Xasan oo uu dhalay halyeeyga geesiga ee madaxa guud Warbaahinta Koonfurta Soomaaliya Dr Amaandhoorey ayaa waxaa ay si buuxda uga qalin jabisay mid ka mid ah jaamacdaha ugu adag qaaradda Yurub gaar ahaan waddanka Switzerland, iyado waliba darajo ama buundo aad u sareysa natiijo heer caalami ah ku baastay imtixiaankii ugu dambeeyay ee qalinjabinta jaamicadda gobolka St. Galled ee bariga Swisska.


Xaflad heer caalami laga wada ogaaday dalkan qaniga ah Switzerland laguna casuumay waalidiinta Drs Isra hooyo Malyuun Cali iyo Proff Amaandhoorey ooy ka dhacday hoolka oodan ardada aqoonta sare buundooyinka sarsare la yimid la fariisiyo ayaa mutacaliimta iyo madaxda muwaadiniinta Reer Iswitzerlanmasraxa lagaga dhawaaqay inay Isra noqotay aqoonyahanadda ugu horeyso jaamicadda laguna gudoonsiiyay shahaadadeeda Science in Business Administration maamulka iyo ganacsiga sayniska sanadkan bartankiisi 2016'ka.
Caada ahaan iskuulaadka iyo jaamicadaha dalalka horumaray sida Qaaradda Yurub inkastooy ay nuuc ahaan iska adagyihiin ayaa dalka Switzerland ah mid laga qayliyay adkaanshiyaha dhanka waxbarashada, mana sahlana in qof walba uu jaamicad kaga baxo waddanka Switzerland mooyaane arday dadaalay ayna waalidkiisi hiil iyo hooba la garab istaagmeen.
Drs Isra Cabdullaahi Amaandhoorey waxay noqonaysaa gabadhihii ugu horaysay Soomaali ah aqoonta ugu sareysay dalka Switzerland ka gaadhay kolka loo eego jiilkeeda ay Soomaaliya ka soo wada galleen asal ahaan, iyadoo xaqiijisay magacii waynaa ee uu aababaheed ku dhex lahaa bulshawaynta Soomaalida ee jooga daafaha dunida.
daawadayaasha iyo aqristayaasheena sharaftalahaw, Drs Isra oo yaraanteeda waxbarashada ku bilowday kuna dhamaysatay isla waddanka Federaalka Switzerland, dheerise waxaa ay koorsooyin culculus ku soo qaadatay sida Coronado Island San-Diege California USA 2015, Bray Ireland 2013, Exeheter England 2013, Aix-en-Provence, France, Paris France sida aad qaybta hoose ka daalacan kadhaanba.


Ratiga dambe Ratiga Hore Saanqaadkiisuu leeyahay !!


COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.