Inta Daawatay: 2362
  Monday October 10, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
warbaahinta Arlaadi:




Waa magaala yar oo laakiin macnawayn samanaysa marka loo eego nuxurka ay ku fadhido Davos taaso ku taal gobolka ugu wayn waddanka Switzerland, waa dagmo magaceedu kala gaargaaray xilidheer inta badi dunidu saddaxaad ay la kacaakufaysay heerya gumaysi iyo xukuumado hoggaanku u hayaan kalitaliyayaal intooda badan maantoolay laga hantaataqeeyay calamkan, waxaana magaaladan oo aadka u yari ay martigelisaa shirarka sanadlayaasha dhaqaalaha adduunka iyadoona ay u soo dalxiis tagaan inkabadan 2 malyan oo dalxiisayaal isaga kala yimida daafaha dunida sanadkiiba

Magaalada nuucaasi ah oo ku taal gobolka Graubunden waxaa ku nool Soomaali aad u tira yar, laakiin firfircoonida muuqata firinfircoonidooduna qarsoomi wayday dadaal ay ku gaareen karti dadnimo iyo furfurnaan ay la yimaadeen si ka gudawayn sidii ay isdhexgal u sameeyeen muhaajiriinta kale ee kaga soo horaysay halkaasi.

Guud ahaan inkastoo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool gobolka tira ahaanba ay iska yaryihiin ayna fiddimo wada fiidhfiidhooyihiin yihiin sida loo dhamaan qiray, ayaa haddana Davos waxaa ay koobka ku qaadday inay noqotay midda shidda iskuna haysa Soomaalida sida aadka ahna uga shaqaysay mashaariicda horumarinta qoyska Soomaaliyeed wixii halkaa jooga iyo inta ka ag dhowdhowba, iyado had iyo jeer u taagan inay gargaarto walaalaha wax ka si noqdaan dhanka shaqooyinka sharciyadaha iyo wixii inahaasi la halmaalaba.

Maalintii shalay oo Axadda ahayd taariikhduna ku beegnayd 9-ka Oktoobar 2016, waxaa magaaladaasi lagu qabtay xaflad aad heer saraysa, taasoo loogu talagalay in lagu soo bandhigo hiddaha iyo dhaqanka suuban asal ahaan Soomaalida lagu yaqaan laguna yiqiin barisamaadkii kahor intaanay qarastu biilaaban ooy fulkaanaduna qarxin sanaddii 1991-kii.

Ugu horayn Xafladda oo lagu furay Afkeena Hooyo ayaa durbadiiba waxaa loo istaagay lana wada hooriyay heesta astaanta qaranka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kadibna waxaa xigay khudbado darandoori dareenku taabanayaan ay soo jeedinayeen dhamaan masuuliyintii ka soo qaybgashay kulanka, kuwaaso isugu jiray Soomaali iyo Swissba, waxaana martisharafta dacalada dalka Iswisarlan isaga soo kala safray iyagoo bartilmaamadsanaya madasha xafladdu ay si wayn ugu dhagraariciyeen khudbadihii muhiimka ahaa ee halkaa laga soo jeedinayay kuwaa oo dhamaantooda taabanayay ummadda wada nool daggan Swisska islamarkaana ammaan ballaaran oo qarawayn huwinayay nuuc ahaan macaanida iyo wanaagsanaanta aan laga dhargin maqal iyo muuqba Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida.

Xafladdaasi oo in ka badan boqolaal ruux caddaan iyo madowba lihi ay soo xaadireen siqiir iyo kabiirba, waxaa halkaasi lagu soo bandhigay suugaan iyo ciyaaro ka turjumaya Hiddaha iyo Dhaqanka geeska Afrika, waxaana goobtaasi wacdara ka dhigay kooxda Sagal-Band ee ka dhisan carriga Switzerland ee uu hoggaaminayo Gudoomiye Cabdirixiin oo run ahaantii soo bandhigay ciyaaro jaan iyo sacab iswata kuwaa oo isugu jiray wiilal iyo gabdho dhallinyara kuna labisan hub ahaan dharkii dhalaalayay Hiddaha iyo Dhaqankeena wanaagsan sumad ahaan dunida laga yaqaanay.

Intii lagu guda jiray farxadqaadashadaasi Warbaahinta Koonfurta Soomaaliya oo xaadir ahayd meeshaasi waxaa ay indhaheedu ku dhifitay shahaadasharafeedyo la gudoonsiinayay masuuliyin isugu jiray madaxda jaaliyadda iyo kuwa Swisska qaxaatiga u faradhuudhuuban in badana caawiya kana shaqeeya isdhexgalka iyo wadanoolaanshiyaha si isfahani uu ku jiro.

Masuuliyinta shahaadooyinka la gudoonsiiyay waxaa ka mid ah Guddoonka Jaaliyadda Soomaalida Davos Mowliid Cabdullaahi Maxamuud.Frau DorsiSchweighauseroo madax ka ah xafiiska Asylberatungsstelle Davos. Cabdalla Sabeebaan Maxamed. Xabiibo Cali Cadde. iyoHerr Jürke Grassoo ah madaxa iskuxiraha qaxootiga.

Masraxa damaashaadku ka socday waxaa si wayn uga hadlay Proff Saalax Shiikh Cusmaan kana mid ah masuuliyinta Jaaliyadda Davos kaasoo ku dheeraday hawlihii laga soo maray dhisidda jaaliyadda, Mr Saalax waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in ay muhiim tahay in Soomaalidu gacmaha ay isqabsadaan iskana daayaan naxliga islamarkaana ay mar waliba adkeeyaan midnimada kana horumariyaan danta guud middooda gaarka si looga baxo dhibaatooyinka dabada dheeraaday ee ku habsaday Soomaaliwayn.

Sido kale, waxaa madasha lagu arkayay rag culculus magac iyo miisaanba ku leh bulshada dhexdeeda sida Mudane Cabdikariin Xaaji Cabdisalaan kaasoo la arkayay isago fadhiya kuraasta hore ee madaxda kuna labisan calanka Soomaaliya iyado isla waqtigaasi uu dhinac fadhiyay aqoonyahanada ugu cadcad gobolka ee uu ka mid yahay Mudane Yacquub Ugaaskuna Mudane Cabdifataax Nuur Xasan aanu ka ag fogayn, halka mutacalim Mudane Axmed Shaalac Axmed Jarmal oo isagu si toos ah loogu soo dhaweeyay maykaroofanka kana yiri masraxa dushiisi wixii kaga aaddanaa kaalintiisi munaasibadda.

Ugu dambayntii inkastoo goos u raaxayn dabadeed jawi aad u fiican ay ku soo idlaatay xafladdii loo asteeyay Oktoobar 9 Maalinta Dhaqanka Soomaalida, laakiin waa loo cabsanayaan haatan jaaliyadda Soomaalida Davos, sababtuna waxay tahay, in ay soo faragashanayaan rag Iswiiskaba soo gubay qararaflayaal ah kuwaaso soo kala daadshay iskudayadii hore jaaliyado horo dalka Swisska laga dhisay kadib kolkii ay gelsheen NGO'S iyo qabyaallad aad u xun cudruada aafeeyay Soomaaliyadii samaha lagu yiqiin waa.

Davos waa Soomaali, laakiin cidda daris baa timid caruurteena waa loo cabsanayaa reer Davos !!

By: Ustad Adam









COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.