Inta Daawatay: 3555
  Saturday September 24, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Warbaahinta Arlaadi:


Maanta oo ay taariikhdu tahay 24/09/2016 waxaa magaalada baydhabo ka dhacay xaflad Qalin jebin ardayda Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya oo ay ka qalinjebinaayeen kuliyado kala duwan sida" kuliyadda caafimaadka, kuliyadda waxbarashada iyo kuliyadda maamulka iyo maareynta.

Waxaana ka soo qeybgalay Wasiirka hawlaha guud iyo guriyeynta Eng: Saalah Sheekh Cusmaan, Wasiirkii hore Gashaandhiga Cabdiraxmaan Maxamuud Fiqi, Wasiirkii hore ee Kaluumeysiga iyo kheyraadka Badda Cabdiraxman, Macalimiinta Jaamacadaha, macalimiinta dugsiyada sare, Waalidiinta,ardada iyo Hay'adda Mercy Corps masuuliyiin ka socota waxaana xaflad lagu qabtay Baystar Guest House Baidoa.

Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya ayaa ka mid ah Jaamacadaha Ugu tayada sareeya xaga waxbarashada gudaha Dalka Soomaaliya" waxaana wax ka dhiga Jaamacadaasi Aqoonyahano khibrad iyo waaya aragnimo badan.


Halkaaan Hoose ka Daawo Sawirada


COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.