Inta Daawatay: 1767
  Sunday September 18, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Wararka ka imaanaya degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in Diyaarad qaad siday ay saaka shil ku gashay garoonka diyaaradaha degmadaas, xilli ay caga-dhiganeysay.



Wararka ayaa sheegaya in aanay jirin wax khasaare nafeed, waxaana goobta diyaarada shilka ku gashay ku sugan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM.

Garoonka degmada Bardaale oo ah garoon macmal ah ayaa maalin walba waxaa ka dega diyaarado Qaad ka keena dalka Kenya.

Sidoo kale waxaa garoonkan isticmaala Ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya, halkaasoo sahayda uga soo dego.

Degmada Bardaale oo ka mid ah degmooyinka Gobolka Baay ayaa ah degmooyinka ay gacanta ku hayaan maamulka Koonfur Galbeed, inkastoo jidadka soo gala degmadaas ay yihiin kuwo ay jareen Al-Shabaab.

13-kii bishan ayay aheyd markii dowladda Federaalka ay fasaxday Qaadka laga keeno dalka Kenya, kadib markii muddo todobaad ah ay xayiraad ku soo rogtay.

COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.