Inta Daawatay: 2506
  Tuesday September 13, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Xaflad si heer sare loo soo agaasimay looguna talagalay waynaynta Ciidul-Adhxaa ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Zurich xarunta ganacsiga dalka Switzerland, taasoo ay ka soo qaybgaleen waxgarad kala duwan inta magaca iyo muuqaba ka tilmaaman dalka Swisska.


Sida horaanba loo iclaamiyay, Abwaan Axmaddey Cabdi Gaashaan oo ah abwaan si wayn looga garanayo dalka Soomaaliya ayaa ku rukunaa kursiga iyo miiska maykaroofanka, wuxuuna dhigay taariikh yaab badan leh tagtada fog iyo ta taagan ka turjumaysa marxaladihii Soomaaliya la soo maray dowllad iyo dowllad la-aanba.

Waxaa la arkayay kolkii uu abwaanku suugaan isasaarsaaran si codkarnima leh ugu luuqaynayay dad badan oo martisharafka ka midi oo afka kala taagayay suugaantiisi dhaxalgalka awgeed ee taabanaysa jacayl iyo nacayb siyaasadina aanay ka marnayn.

Ugu dambayntii goos u raaxayn kadib waxaa uu abwaanku ku soo afjaray duco mug leh ee uu ugu ducaynayo Soomaaliya iyo dadkeeda, waxaana qaabkii xafladdu u dhacday oo ay soo duubtay Warbaahhinta Koonfurta Soomaaliya uu hoggaaminayo Dr Amaandhoorey aad aqristayaasheena sharaftalahow kaga bogan doontaan muuqaaladeena dambe haddii Rabbi ogolaado.







COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.