Inta Daawatay: 2348
  Wednesday April 06, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Xarakada Al-Shabaab ayaa gurmad u fidisay qoysas ay saameen ku yeelatay abaaraha iyo biyo la'aanta ka jira qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya .Gaadiid siday gurmad raashin ah ayaa gaaray deegaano hoos taga gobolka Bakool kuwaa ay saameesay abaarta dalka ka jirta, waxa ayna Al-Shabaab qoysas badan oo kunool deegaano kuyaala bakool u qeybisay raashin iyo alaabo kale.

Saraakiisha Al-Shabaab ee ku hoolan gar gaar u fidinta dadka abaaruhu saameeyeen ee kunool deegaanada ay ka taliyaan ayaa sheegay in ay sii wadayaan gacan siinta dadka ay abaartu saameesay ayna gaarsiin doonaan raashin iyo agabyo kale oo muhiim ah.

Qeybo kamid ah dalka Soomaaliya ayaa xiligan waxaa ka jira abaaro saameyn badan ku yeeshay dadka iyo duunyada, waxaana jira dad badan oo gobolada qaar ugu dhintay abaarta ku dhufatay dhulkii ay kunoolaayeen.







COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.