Inta Daawatay: 1931
  Tuesday April 05, 2016 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Ciidamada amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa howlgal waxa ay goordhaw ka sameeyeen Degmada Yaqshiid ee Gobolka Banaadir , Waxaana howlglkaaasi lagu qab qabtay in ka badan 500-qof oo lagu tuhmayo in ay xariir la leeyihiin Al-Shabaab.Afhayeenka Wasaaradda amniga Gudaha Cabdikaamil Shukri Maxamed, ayaa sheegay howlgal ay ciidamada amaanka ka fuliyeen Degmada Yaqshiid lagu qabtay in ka badan 500-qof kuwaa oo intooda badan la siidaayay kadib markii lagu waayay dambigii loo heestay.

Ciidamada amaanka Dowlada ayaa la sheegay in ay dhoor qof kala baxeen dadkii tirada badnaa ee tuhunka usoo qabteen, waxaana markii dambe lasii daayay boqolaal qof oo la qabtay intii uu howlgalka socday.


Howlgalkan ay sameeyeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa imaanaya xili amaanka magaalada Muqdisho uu maalmahan faraha kasii baxayo ayna sii kordhayaan weerarada loo adeegsado gaadiidka hubeesan.






COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Verification Code :  
 
 
featured
Site Designed & Developed by: Ileys Technology Inc.