Qoor Qoor oo kulan Albaabada u xiran yahay la qaatay Cumar Filish

0
Wednesday July 29, 2020 - 12:00:46 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 3046
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qoor Qoor oo kulan Albaabada u xiran yahay la qaatay Cumar Filish

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Hoyga uu Ka dagan yahay Magaalada Muqdisho Ku qaabiley Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Hoyga uu Ka dagan yahay Magaalada Muqdisho Ku qaabiley Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish).

Kulan gaar ah oo ay yeesheen labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka oo xilli kala-guur ah lagu jiro iyo sidoo kale wada-shaqeyn dhex-marta Maamulka Galmudug iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

In kastoo kulanka labada mas’uul waxyaabihii kasoo baxay aan Warbaahinta lala wadaagin ayaa wararka qaar waxaa ay sheegayaan in Madaxweynaha Galmudug uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir kala hadlay sidii uu uga qeyb-geli lahaa Shirka wadatashiga Madaxda Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada 15-ka Bisha Agoosto uga furmaya Magalada Dhuusamareeb.


Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaan ka qeyb-gelin shirkii dhawaan ka dhacay Magaalada Dhuusamamreeb ee Caasimadda Galmudug, kaas oo ay ka soo baxeen qodobo dhowr ah oo aan weli la fulin.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc