Kismaayo Oo Goordhaw Lagu Dilay Darawalkii Hanti dhowraha Jubbaland
Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in Maanta barqadii halkaasi lagu dilay Darawalkii gaariga ku wadi jiray Hanti dhowraha Jubbaland.
Askari katirsan Ciidamada Jubbaland ayaa dilka geystay iyadoo Marxuumka la dilay oo magaciisa lagu soo gaabiyey Aadan la sheegay in ay murmeen askariga.
Ilaa hadda ma jirto war kasoo baxay Laamaha amniga jubbaland oo ay kaga hadleen Dilkaan loo geystay Darawalkii qaaska ahaa Hanti dhowraha Jubbaland.
Xiriir aan la sameenay Hanti dhowre Cabdicasiis Shiikh Xuseen Dayib ayaa inoo suurta geli weysay si aan wax uga weydiino dilkaasi loo geystay Darawalkiisii gaarka ahaa.