gobolka Banaadir iyo Al Shabaab oo ka hadlay Qaraxii saakay ka dhacay Muqdisho

0
Thursday May 28, 2020 - 13:38:05 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 182
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    gobolka Banaadir iyo Al Shabaab oo ka hadlay Qaraxii saakay ka dhacay Muqdisho

    Waxaa saakay qarax gaarigiisa loogu soo xiray sargaal katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya uu ka dhacay agagaarka hotelka Muna oo ku dhaw Barxada Iskaashatooyinka ee degmada Xamar Weyne.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa saakay qarax gaarigiisa loogu soo xiray sargaal katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya uu ka dhacay agagaarka hotelka Muna oo ku dhaw Barxada Iskaashatooyinka ee degmada Xamar Weyne.

Afhayeenka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan ayaa sheegay in qaraxa ka dhacay Xamar Weyne ay ku geeriyoodeen Sarkaal booliis oo lagu magacaabayay C/Shakuur Xuseen Cabdi 9Jaabiri) iyo qof kale oo la socday.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in qaraxa sargaalka lagu dilay uu ahaa mid gaarigiisa loogu soo xiray, waxa uuna ugu baaqay dadka in ay ka feejignaadaan halka ay dhigayaan gaadiidkooda.

Dhinaca kale War kooban oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegtay masuuliyada qaraxan saakay lagu dilay sargaalka katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in sargaalkaasi bartilmaameed u ahaa.


Al Shabaab ayaa inta badan sheegata qaraxyada iyo dilalka loo geesto saraakiisha iyo dadka kale ee xiriirka la leh dowlada, waxaana qaraxan saakay ka dhacay Muqdisho nuucyo lamid ah horey Al Shabaab ugu dileen saraakiil iyo dad kale oo badan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc