Caqabad soo wajahdey in guddiga doorashooyinka hortago BF Soomaaliya

0
Monday May 25, 2020 - 12:48:59 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 362
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caqabad soo wajahdey in guddiga doorashooyinka hortago BF Soomaaliya

    Dib-u-dhac ayaa waxaa lagu waramayaa in uu ku yimid waqtigii la filayey in Guddiga doorashooyinka heer Qaranka uu hortaggo baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dib-u-dhac ayaa waxaa lagu waramayaa in uu ku yimid waqtigii la filayey in Guddiga doorashooyinka heer Qaranka uu hortaggo baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.
Bishan May 27-deeda ayaa qorshuhu ahaa in gudoomiyaha guddiga Xaliima Yarey ay xeer-dejinta siiso warbixin la xiriirta doorashooyinka 2020-21, balse lama ogga sababta keentay baaqashada soo ifbaxday.

Warbixintooda ayaa ku quseysa nooca doorashooyinka, xilliga ay dhaceyso iyo qaabka Guddiga ugu diyaar garoobay coddeynta muhiimka ah.

Sidoo kale, guddiga dhameystirka Sharciga Doorashooyinka ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sarre ay soo kala magacaabeen ayaa waxaa maalintaas jadwalka ku qoran in ay warbixin siiyaan labada aqal.


Guddiyadda joogtada ah ee labada gole oo lagu waddo in ay kulmaan laga bilaabo berri ayaa la filayaa in ay ka arrin-sadaan waqtiga rasmiga ah oo uu furmayo kalfadhiga 7aad ee golahooda.

Intaas waxaa wehlisa, waxay muddeyn doonan xiliga guddiyadda ay warbixinta la wadaagi doonan Xildhibaanada iyo Senators-ka.

Kalfadhiga 7aad ee baarlamaanka 10aad oo ah kan ugu dambeeya ee muddo xileedkooda waxaa horyaala arrimo masiiri ah oo ay ugu horeyso doorashooyinka, waxaana isha ku haya shacabka iyo caalamka.

Qaabka ay sharci-dejiyeyaasha u maareeyaan mar-xaladda kala guurka ah ayaa kamid ah waxyaabaha natiijadooda la sugayo.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Khayre isku qabteen khudbada Xaliimo Yarey gaar ahaan in ay ku adkeysato qabashada doorasho qof iyo cod.

Coddeyn qof iyo cod ah oo Soomaaliya ka dhacda dhamaadka sanadkan ayaa waxaa la geliyey calaamad su’aal maadaama uusan jirin diyaar-garow buuran iyo amni dari ay sabab u tahay Al-Shabaab.

WARBIXINTA FILEKA GUDIGA DOORASHADA HALKAAN HOOSE KA AQRISO



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc