
Ciidamo uu qortay Fahad Yaasiin oo loo qaaday Eriteria & Ujeedka laga leeyahay
Dhalinyaro Soomaaliyeed ko tiradooda gaareysa 200-ruux ayaa loo qaaday dalka Eriteria halkaas oo lagu soo tababarayo.
Waa markii Labaad oo dhalinyaro Soomaaliyeed tababar ahaan loogu qaado dalka Eriteria tan iyo markii uu hagaagay Xiriirka Labada dalka,waxaana dhalinyaran la soo barayaa hababka kala duwan ee ciidan.
Diyaarad Militari oo laga leeyahay dalka Qatar ayaa dhalinyaran ka qaaday Garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho,iyagoo iyagoo ku sii jeeda dalka Eriteria si tababar ciidan loo soo siiyo.
Dhalinyaradan ayaa si gaar ah waxaa u qortay Taliyaha Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir,kaas oo xiriir dhow la leh Dowladda Qatar.
Ciidamo uu qortay Fahad Yaasiin oo loo qaaday Eriteria & Ujeedka laga leeyahay
Dhalinyaro Soomaaliyeed ko tiradooda gaareysa 200-ruux ayaa loo qaaday dalka Eriteria halkaas oo lagu soo tababarayo.