Xasan Sheikh oo labo arrin oo muhiim ah ka diiday Villa Somalia & Qorshihiisa 2021

0
Saturday May 16, 2020 - 12:06:20 in Wararka by Warqabadka Koonfurta soomaaliya
  • Visits: 334
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Sheikh oo labo arrin oo muhiim ah ka diiday Villa Somalia & Qorshihiisa 2021

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Hoggaamiyaha Xisbiga UPD Xasan Sheikh Maxamuud oo mudo ku xayirnaa dalka Turkiga ayaa hadda dalka dib ugu soo laabtay,isagoo durba bilaabay qorshe ka dhan ah Dowladda Farmaajo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Hoggaamiyaha Xisbiga UPD Xasan Sheikh Maxamuud oo mudo ku xayirnaa dalka Turkiga ayaa hadda dalka dib ugu soo laabtay,isagoo durba bilaabay qorshe ka dhan ah Dowladda Farmaajo.

Xasan Sheikh Maxamuud oo dalka Turkiga kula kulmay ka hor inta aysan ka soo ambabixin Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kala hadlay labo arrin oo muhiim ah kuwaas oo kala ah in doorashada waqtigeeda ku dhacdo in Dowladda laga hor istaago damaceeda ku aadan mudo kororsiga.

Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka ee kala ah Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan iyo Cabdi Xaashi ayaa Xasan Sheikh u balan qaaday inaanay waxba ka jirin guuxa ku aadan in Dowladda Federaalka ay dooneyso mudo kororsi,baarlamaankuna ku gacan siinayo,wuxuuna meesha ka saaray in arrintaas ay tahay shaqada ugu horeyso ee Baarlamaanka uu qabanyo.


Beesha caalamka ayaa cadaadiska ku saareysa madaxda Villa Soomaaliya iney cadeeyaan waqtiga doorashada iyo Hanaanka ay ku qabsoomeyso.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc